Xisbiga UCID oo masuuliyiin u magacaabay dalka France
Hargeysa Aug 16,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee uUCID Md Faysal Cali Waraabe ayaa dalka France u magacaabay masuuliyiin xisbiga dalkaa uga hawlgeli doona, qoraalka lagu magacaabay labadan masuul ayaa sidan u qornaa:
Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la Magacaabo Xilalka Banaan ee xisbaga waxa uu manta oo ay Taarikhdu Tahay 16/08/2014 Loo magacaabay Gudoomiyaha Dalka France Md, Maxamed Ahmed Muuse Dirir iyo Gudoomiye ku- Xigeenka Md Idiris Ali Hassan Obsiiye.
Ka Dib Markii Aad Looga Fiirsadey Isla Markaana Isla markaana Wada tashi Dheer Laga Galey Labada Masuul
Hadaba waxa la faray Masuuliyiintaa kor ku xusan in ay hawshooda u bilaabaan sida ugu dhakhsaha Badan kana soo baxaan waajibaadka loo igmaday.
Waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu idiin fuduudeeyo xilkaa laydiin Magacaabey
ALLA MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga UCID
Eng, Faysal Cali Waraabe
SDN/QJ-Hargeysa
contact@qurbejoog.com