|

Xisbiga Ucid oo Magacaabay Afhayeenka Xisbiga Iyo Garabkii Haweenka ee Xaqsoor oo ku Soo biiray

Hargaysa28Agt13(SDN) Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseeen ayaa maanta ka qayb galay xaflad soo dhawayna oo  xubno ururkii Xaqsoor  oo ku soo biray xafladan ayaa waxa Xilal loo  Magacaabay xubno ka tirsan urukaas waxana  Xisbiga Ucid y u magacabeen   Afhayeenka Xisbiga Ucid oo loo  Magacaabay Garyaqaan Muuse Ismaaciil Cabdi halka uu Gudoomiye ku Xigeeenka Gobolka Maroodi jeex ee Xisbiga Ucid loo magacaabay Xariir DaahirAadan Faarax .

Musharaxa Madaxweynaha ee  xisbiga Ucid ayaa uu kaga dhawaaqay maanta xaflad uu Xisbiga Ucid ku soo dhaweenayay Garab Haween ah oo ka soo baxay ururkii Xxaqsoor oo maanta si rasmiya ugu soo biiray xisbiga Ucid .

Musharaxa Madaxweynaha Ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa halkaasi ka sheegay in afka xisbiga Ucid uu ku hadli karo Afhayeenka cusub ee uu magacaabay oo uu sheegay In uu yahay cidda kaliya ee ku hadli karta Afka Xisbiga.

Waxa uu Geesta kale hoosta ka xariiqay in hadal kasta oo ka soo baxa masuuliyiinta Xisbiga Ucid aanu ka turjumayn mawqifka Xisbiga balse uu ku kooban yahay fikir Shakhsi .

Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa halkaasi Khudbad dheer oo dhinacyo badan Taabanaysa ka soo jeediyay . waxa kale oo goobta ku sugnaa Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi

 

qurbejoog.com

Hargaysa

 

Comments are closed