Xisbiga Ucid oo Ku Kala Qaybsamay War uu Bixiyay Mas’uul ka tirsanaa Xisbiga Ka Hor intii aanay Xilka ka Qaadin
Hargaysa 20.July 2014 (SDN/QJ)- Mid ka mid ah Asxaabta mucaaridka Somaliland ayaa sheegay inuu ka war hayo qorshe dawladda Djibouti u gudbisay Maraykanka oo ay ku dalbanayso in ciidamada Nabad-ilaalin ah la geeyo Xuduudka u ay la wadaagto Somaliland.
Xoghayaha Arrimaha dibadda Xisbiga UCID Yuusuf Budhle oo banaanka laga dhigay Xisbiga Isla markaana uu fadhigiisu yahay dalka Maraykanka ayaa bog wararka lagu baahiyo oo xisbigaasi leeyahay ku sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Dawladda Maraykanka ka codsaday inay Xuduudka Somaliland khatar ku tahay amniga dalkiisa.
Arrintan ayaa imanaysa xilli laga soo kabanayo saameynta ay qaraxyadii Magaalada Djibouti ka dhacay bishii May ay ku yeesheen dhanka isu socodka dalalka Somaliland iyo Djibouti, isla markaana waxaan badnayn la xadiday xidhistii Xadka.
“warkaasi inta aanu ognahay waa war jira oo beryahanba socday.Dawladda djibout iyo Somaliya waxay beryahanba u soo tafaxeyteen sidii ay caalamka uga dhaadhicin lahaayeen inay xuduudaha Somaliland halis ku yihiin amniga dalka Djibouti, waxaanay doonayaan in ciidamo nabad-ilaalin ah la keeno xuduudaha ay la wadaagto Jibouti iyo Soomaaliya” ayuu ku yidhi Yuusuf Budhle Waraysi uu siiyay Warbaahinta Ucid .
Warkan ka soo baxay Xoghaye Budhle, waxa raali gelin ka bixiyay Guddoomiye ku-xigeenka 3-aad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Xasan (Cali-guray).
Cali-guray , ayaa qoraal uu arrintan ku beeninayo ku baahiyay habeenkii xalay bar uu Facebook ku leeyahay, waxaanu sheegay in masuulkaasi xilka laga qaaday 18 Bishan jully, sida uu qoraalkiisa ku sheegay. 18/07/2014
“Ujeedo: Xil Ka Qaadis”
“Laga bilaabo manta oo taariikhdu tahay 18/07/2014 waxa xilkii uu u hayay xisbiga UCID ee Xoghayaha Arimaha Dibadda laga qaaday Mr Yusuf Budle ka dib markii uu si habsami ah u gudan kari waayay isla markaana si toos ah uga hor yimi siyaasadda xisbiga uu ku wajahan arimaha dibadda gaar ahaan xidhiidhka Somaliland iyo dalalka jaarka oo xisbigu aaminsan yahay in mar walba uu noqdo mid wanaagsan oo ku dhisan iskaashi, is ixtiraam, iyo nabad kuwada noolaansho, si loo xaqiijin karo deris wanaag
Xisbiga UCID wuxu cadaynayaa hadalo dhawaan ka soo yeedhay Yusuf kuna eedaynayay dawladda Djibouti iyo madaxwayne Ismaciil Cumar Geele aanu ku metelaynin haba yaraato eh xisbiga balse ay isaga uun ku koobnayd.
Ugu dambaystii xisbiga UCID wuxu raaligelin ka bixinayaa wixii deelqaaf, xadgudub, af legaado iyo farogelin arimaha gudaha ee Djibouti ah ee ka soo yeedhay Yusuf Budle isagoo ah masuul UCID”.
Mahad Ilaahay Baa Leh, Wa Bilaahi Tawfiiq
Cali Maxamed Yussuf
Gudoomiye/xigeenka 3aad”ayuu yidhi Cali Guray.
Yuusuf Budhle oo isna qoraalkan Cali-guray kaga jawaabay isla barta uu Facebook ku leeyahay ayaa sheegay in hadalka ka soo yeedhay Guddoomiye ku-xigeenka xisbigoodu uu yahay mid uu ugu hamranayo xukuumadda Djibouti oo uu sito Baasboorka dalkeeda.
“Waxa aan u sheegayaa dhamaanba taageerayaasha Xisbi weynaha UCID, meel kasta oo ay joogaan iyo dadweynaha reer Somaliland oo dhanba in waraysiga aan siiyay saxaafadda madaxa banaan ee kusoo baxay meelo tiro badan uu yahay waraysi run ah, saxna ah, lagana been sheegin siddii aan u jawaabay. Waxa kale oo aan u sheegayaa dhamaanba taageerayaasha Xisbiga iyo taageerayaashayga shaqsi ahaaneedba in ay tahay arrin jirta, dhibaatona ku ah jiritaanka iyo qaran-nimada Somaliland, aanana marnaba uga gabanayn in aan cid gaar ah ugaga haybaysto run ka sheegidda wax kasta oo dhaawacaya jiritaanka S/land.
Ugu dambayn, waxa aan u sheegayaa walaalkay Cali Guray, Gudoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID in aan looga baahnayn in uu meelahaas kusoo qoro in uu xilkii iga qaaday, waayo (1) Ma laha awoodaas uu keligii igaga qaadi karo xilkan (2) Haddiiba uu taas soo qoray waxa ay sharaf dhac ku tahay sharciyada iyo hab maamulka u yaala Xisbiga UCID. (3) Xisbiga UCID anigu waxa aan u hayaa taageerayaal 10 goor ka badan inta uu Cali Guray keeni karo, markaa wax werwer ah kama qabo haddii uu Cali is yidhi waxa uu Yusuf kugu haystaa jagada uu manta hayo ee Gudoomiye ku xigeenka 3aad. (4) Anigu waxa aan sitaa baasboor Maraykan oo sida Cali ma sito baasboor Djiboutian ah, sidaas awgeedna Somaliland danteeda kuma bedelanayo baasboorka Djibouti”ayuu ku yidhi Yuusuf Budhle Facebook.
Xukuumadda Somaliland
Si kastaba ha ahaatee, Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha wararkan soo shaac baxaya xilligan ay wali sii muuqdaan raadadka ka dhashay shakigii soo kala dhex galay Somaliland iyo dalalka xuduudka la leh ee Djibouti iyo Ethiopia.
Hase ahaatee arrintan ayaa hadii ay jirto khatar ku ah xidhiidhka , diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhexeeya dawladdaha Somaliland iyo Djibouti oo soohdin ka wadaaga Badda iyo Bariga.
Hargaysa SDN/QJ