|

Xisbiga UCID oo ka hadlay Xaalada Taleex:Mise Heshiis Qarsoon Oo Puntland aad kala Saxeexateen Ayaa Sidan Odhanaya ( in la xasuuqo shacbiga Somaliland ee dagan Area TALEEX)

Hargeysa Dec 01,2013(SDN)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa codkiisa ku biiriyay dhawaaqyo dareen xanbaarsan oo bulshada reer Soomaaliland ka soo jeedineyso sababha ay xukuumada Somaliland uga aamusan tahay dagaalada ka socda degmada Taleex.

Dagaaladan oo u dhexeeya dhinacyada Khaatumo iyo Puntland ayaa ka dhacaya degaan ay Somaliland dhulkeeda xisaabiso.

Qoraalka ka soo baxay UCID ee ku wejahan xaalada Taleex ayaa sidan u qoraa:

“Waxaynu ka warqabnaa in maamul isku sheega puntland ay kawadeen weeraro lagu waxyeelaynayo shacabka Somaliland gudahana usoo galeen xadka Somaliland taasoo aanaya ilaa hada dawladu haba yaraatee wax dareen ah ka bixin

Hadaba dawladu ma waxa ay leeday waxa is dilaya Khatumo iyo Punland, haday sidaa tahay marka koobaad waa aqoonsi ay aqoonsatay maamulka Khaatumo, marka labaadna waxa is waydiin leh xagay isku dilayaan miyaanay xuduuda Somaliland gudaheeda ahayn Taleex miyaanay Somaliland ahayn

mise waxa dawlada kaga wayn shirka wada tashiga ee muwaadiniin reer Somaliland ee xaqa dastuuriga ah ulihi ay wadaan,.

Hadaa dawladu mawaxay leedahay dadkan la laynayaa reer Somaliland maaha oo wixii siyaasada nagaga horyimaadaa waxay luminayaan muwaadinimadooda xaqa u siinaysa in la sugu amaankooda oo cadawga debeda iyo ka gudahaba laga difaaco, mise waxaad  odhandoontaan sidiinii  ma awoodno sugitaanka  xuduudaha dalka.

Hadaba umadu waxay idiinka fadhidaa  inaad u cadaysaan siyaasada aad ka leedihiin cadawga xuduudaha dalka gudihiisa  ku xasuuqaya shacabka iyo maatida reer somaliland, mise arinkiinu waxa weeye ?  Mise Heshiis Qarsoon Oo Puntland aad kala Saxeexateen Ayaa Sidan Odhanaya ( in la xasuuqo shacbiga Somaliland ee dagan Area TALEEX)

Ugu danbeyntii waxaanu aad iyo aad uga xunahey oo aanu canbaareyneynaa Aamuska Xukuumada Iyo Iska Indha Tirka Xasuuqa Shacbigeeda Lagu Sameynayo Wadeenkeena Gudihiisa”

By C/raxmaan Axmed Cali  (Xoghayaha Arimaha Bulshada Xisbiga UCID)

Comments are closed