|

Xisbiga Ucid oo ka Hadlay Dhacdadii Habeenkii Xalay ka dhacday berbera ee dhimashada sababtay,Sheegayna Cidii Mas’uulka ka ahayd

Hargaysa 12.April 2014 (SDN)- Xisbiga Mucaaradka Ee Ucid Ayaa Maanta Shir Jaraaid Oo Ay Ku Qabteen Magaalada Hargaysa Waxa Ay Si Adag Uga Hadleen Falkii Xalay Ka Dhacay Magaalada Berbera Ee Lagu Dilay Gabadhii Shicibka Ahayd Isla Markaana Lagu Dhaawacmay Wiil Uu Dhalay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile.

Shir Jaraaid Oo Masuuliyiinta Xisbiga Ucid Ku Qabteen Xarunta Dhexe Ee Xisbigaasi Ku Leeyahay Magaalada Hargaysa Ayaa Waxa Ay Si Faah-Faahsan Uga Hadleen Aragtidooda Ku Aadan Falkaasi.

Ku Simaha Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Ucid Cabdinaasir Qodax Oo Ka Hadlay Shirkan Jaraa,Id Ayaa Waxa Uu Sheegay Inuu Falkaasi Yahay Mid Aad U Fool Xun Waxaanu Soo Jeediyey In Cidii Falkaas Gaysatay Si Deg Deg Ah Loo Hor Keeno Sharciga Waxaanu Yidhi “Marka Hore Waxaanu Halkan Ka Tacsiyadaynaynaa Ehelada Marxuumadii Ku Dhimatay Falkii Shalay Ka Dhacay Magaalada Berbera, Ninka Hada Dhaawaca Ahna Waxaanu Ilaahay Uga Baryaynaa Inuu Ilaahay Inuu Caafimaad Siiyo, Maxamed Faarax Qabile Waa Xildhibaanka Kaliya Ee Aanu Ku Leenahay Xisbiga Ucid Ee Ka Hadhay Xubnihii 21-Ka Ahaa Ee Uu Xisbiga Ucid Ku Lahaa Golaha Wakiilada, Arintaas Maanta Lagula Kacay Qoyskiisana Aad Ayaan Uga Xunahay Waanan Canbaaraynaynaa Cidii Falkaas Gaysatayna Waxaanu Leenahay Waa Waajibka Sharciga Ah La Mariyaa, Waxaynu Ogayn In Mar Hore Lagula Kacay Isku Day Dil Toogasho Ah Oo Cida Hada Gaysatay Falka Ka Dhacay Berbera Ay Gaysatay  Si Gobonimo Ahna Wuu Ka Yeelay Oo Waa Kii Sii Daayey, Waxa Nasiib Darro Ah Inay Arintii Mar Labaad Soo Noqoto Oo Qofkii Galka Gaystay Hadana Qoyskii Xildhibaanka Kula Kaco Mid Kale,Taas Ayaa Ah Mid Laga Xumaado Oo Laga Gil Gisho  Taasna Waanu Canbaaraynayaa Sida Sharcigu Dhigayana Waa In Maxkamad La Keenaa Oo Danbigaas Uu Galay  Lagu Qaado.”

Cabdinaasir Qodax Waxa Kale Oo Uu Eedeeyey Wasiir Ku Xigeenka Amniga Kaas Oo Uu Sheegay In Gaadhigiiisi Lagu Fuliyey Falkan

KeenayDilka Iyo Dhaawaca Waxaanu Wasiir Ku Xigeenka Amniga U Soo Jeediyey Inuu Arintan Dhinac Iskaga Leexiyo Waxaanu Yidhi “Waxa Kale Oo Ayaan Daro Ah In Ninka Falka Gaystay Uu Watay Gaadhigii Wasiir Ku Xigeenka Amniga Qaranka  Oo Xil Wayn Ka Haya Dawlada, Taasina Waa Mid Laga Xumaado, Wasiirkaasna Waxaanu Leenahay Adigay Arintaasi Ku Fadhidaaye Waa Inaad Dhinac Iskaga Qaadaa, Waxa Ninkaas Danbiilaha Ah U Geeyey Gaadhigaaga Waa Wax Loo Baahan Yahay In Cadaynteedii La Helo, Dadweynaha Gobolka Saaxilna Gaar Ahaana Dadweynaha Reer Berbera Waxaanu Leenahay Nabad Galyada Ilaaliya  Wixii Khal Khal Wadanka Galinayana Ay Ay Ka Feejignaadaan.”

Sidoo Kale Marwo Faadumo Siciid Oo Ah Xoghayaha Maaliyada Ee Xisbiga Ucid Ooo Iyaduna Ka Hadashay Shirkan Jaraa,Id Ayaa Sheegtay In Loo Baahan Yahay Falalka Noocan Ah Ee Ku Soo Noq Noqonaya  Wadanka  Wax Laga Qabto, Waxaanay Sheegtay In Wasiir Ku Xigeenka Amnigu Uu Ka Hadlo Arintan Lagu Eedaynayo Inu Lug Ku Leeyahay.

Marwo Faadumo Siciid Oo Ka Hadlaysa Falkii Ka Dhacay Magaalada Berbera Ee Keenay Dhimashada Iyo Dhaawaca Ayaa Waxay Tidhi “Falkaas Ka Dhacay Magaalada Berbera Markii La Na Loo Soo Sheegay  Waxa Uu Ahaa Mid Aad Nooga Nixiyey,  Gabadhii  Nasiib Darada Ku Dhimatay Ee Xabada Xaq Darada Ahi Dishay Oo Aanay  Galabsan Iyada Oo Nolol Maalmeedkeedii Wadatay  Waxaanan Ilaahay Uga Rajaynaynaa Inuu Janadii Fardawsa Ku Casuumo Eheladeedana Uu Samir Iyo Iimaan Ka Siiyo, Wiilka Uu Dhalay Xildhibaan Faarax Maxamed Qabile Iyo Ehelkiisa Oo Dhan Waxaan Leeyahay Aad Ayaan Uga Xunahay Waxaas Mar Labaad Idinku Soo Noqday, Waxa Cajaa,Ib Ah  Oo Aanu Mar Labaad La Yaabanahay Isaga Oo Xildhibaan Qabile Maalintii Lagu Qaaday Falkii Lagu Dili Gaadhay Eedeeyey Wasiir Ku Xigeenka Amniga  Kuna Tilmaamay Mid Falkaas Lagu Dili Gaadhay Lug Ku Lahaa,  Maantana Isla Ninkii Uu Wato Gaadhigii Wasiir Ku Xigeenka Amniga Isaga Oo Falkii Sameeyey, Waxaanan Jecelnahay Inuu Wasiirka Amnigu Cadeeyo Waxa Ninkan Gaadhigiisa U Geeyey  Waxa Dawlada Looga Fadhiyaa Inay Cadayso  Waxa Ninkan Oo Fal Hore Sameeyey Ilaa Hada Uu U Hubaysan Yahay.”

Marwo Faadumo Siciid Oo Hadalkeeda Sii Wadatay Ayaa Sheegtay In Dadka Reer Berbera Lagu Qasbayey Ergadii Xisbiga Kulmiye Markii Ay Diideena Lagu Furay Rasaasta Keentay Dhimashada Iyo Dhaawaca, Waxaanay Xukuumada Ku Canaanatay Wax Ka Qabasho La,Aanta Falalka Noocan Ah Ee Soo Noq Noqday Waxaany Tidhi “Waxaanu U Haysanaa In Magaalada Berbera La Wada Joogay Madaxdiina Ay Dhamayd Waxa Loo Tagayna Waxay Ahayd In Ergooyinkii  Kulmiye Lagu Qasbo Oo Sanka Lagaga Tolo  Reer Saaxil Inay Kaga Qayb Galaan, Ka Tolistii Haday  Noqotay Markii Ay Diideen In Dadkii Xabad Lala Dhex Galo Waxaanu Leenahay Falkaasi Waa Mid Aad U Fool Xun , Dawladana Waxaanu Uga Fadhinaa Inay Sheegto Sababta Rasaastaas  Loo Riday, Falalkan Dhacayaa Maaha Kuwii Koowaad  Waa Wax Taxane Ah Oo Aanu Garan Waynay Sababta Ay Dawladu Wax Uga Qaban Wayday Waxaynu Ogayn Sidii Hubaal Loo Galay, Haatuf Ayeynu Arkaynaa, Xildhibaan Qabile Ayeynu Ogayn, Maxamed Kaahin Ayeynu Ogayn Maxay Dawladu Wax Uga Qaban Wayday, Somaliland Miyaanay Iyagu Khusayn, Mise Waxa Dhab Ah Wararka Meel Kasta Nagaga Imanaya Ee Sheegaya Inaanayh Somaliland Aqoonsi Rabin, Inuu Siilaanyana Yahay Badhasaabka Somaliya Ka Tirsan Sababta Oo Ah Marka Ay Falalkan Oo Kale Dhacaan Ee Ay Dawladu Waxba Ka Qaban Wayday, Marka Ay Saraakiisheenu Ay Salaamaha  Bixinayaan Iyaga Oo Tababar Ku Baxay.”

Sidoo Kale Waxa Shirkan Jaraa,Id Ka Hadlay Xoghayaha Arimaha Gudaha Ee Xisbiga Ucid Cabdiqani Ibraahin Yuusuf Salaf(Kabtanka) Kaas Oo Sheegay Inuu Aad Uga Xun Yahay Falkaas Lagula Kacay Dadka Shacabka Ee Reer Berbera.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed