Xisbiga UCID oo Jamaal Cali Xuseen xilka Musharanimada Madaxweynenimo u caleemo saaray
Hargeysa July 12,2012(SDN)-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta munasibad balaadhan oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ku caleemo saaray musharax cusub oo ku tartami doona xilka madaxweynenimo ee doorashooyinka dalka.
Md Jamaal Cali Xuseen oo ah aqoonyahan reer Somaliland oo mudo iminka ka dhexmuuqday saaxada siyaasada ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga UCID.
Xisbiga UCID ayay taageereyaashiisu si kal iyo laaba u soo dhaweeyeen musharaxnimada xilka madaxweynenimo.
Md Jamaal Cali Xuseen oo taageero balaadhan ka heysta dhalinta iyo waxgaradka Somaliland isla markaana gobolo dhawr ah oo Somaliland ka tirsan ku leh taageereyaal fara badan ayaa doorashadiisani waxa ay si mug leh u dardar gelineysaa ololaha UCID.
Dhanka kalena talaabadan ayaa ururada kale ee siyaasada waxa ay ku dhalisay walaac dhanka tartanka ah.
Si kastaba ha ahaatee xisbiga UCID xaflada soo dhaweynta ee uu maanta u qabtay Md Jamaal Cali Xuseen waxa uu sawir dhaba ka bixinayaa misnimada iyo baaxada xisbiga UCID ee haatan.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com