Xisbiga UCID oo Gudoomiyaha 3xaad ee xisbiga Ali Gurey casho sagooti ah ugu sameeyey magaalada London.
London May 25,2014(SDN)-Waxaa habeenkii xalay ahaa(Sabti) isugu yimi casho sharaf sifiican loo soo agaasimey oo ay ku dheehneyd farxad badan xubnaha xisbiga UCID ee UK. Kulankan oo ahaa (informal) mid lagu sagootiyey Gudoomiyaha 3xaad ee xisbiga UCID Muj. Ali Gurey oo u sii jeeda dalkii hooyo oo uu in badan ka soo maqnaa isaga intaa ku sugnaa dalkan Ingiriiska. Guryo noqashada Ali Gurey oo ku began waqti mowjahada iyo xiisadaha ka dhextaagan xisbiga kulmiye ee haatan talloda ay markale circa ay isku shareertey. Hidhisadan labaad oo u muuqata inay tii hore ka weyntahay, keenina karta dhulgariinkii u weynaa ee xisbiga ka dhexqarxa ee hore Ali gurey u saadaaliey.
Kulankan lagu sagootiyaayo Ali Gurey ayaa ahaa mid dabcan aanu ka madhneyn dardaaran iyo tashi ku salaysan arimaha xisbiga UCID iyo guud ahaan danaha Somaliland. Waxaa halkaa hadal dheer ka jeediyey Mujaahid Ali Gurey. Waxaa si guud mar ah uga waramey UK intuu joogey iyo waxii uga qabsoomey. Waxaa kale oo aad iyo aad ugu nuux nuuxsadey wayaha dalkii uu maanta maryaayo iyo sida uu maanta ugu baahan yahay “BADBAADO” ee aan la orankin maanta dalkii waxa uu u baadan yahay isbedel. Waxuu sidoo kale bayaamiyey dariiqa loo maraayo geedisocodka lagu higsanaayo badbaadada qaranka Somaliland.
Waxaa hadaba dadkii goobtaa joogey si weyn u qiiro gelisay markii uu si qiiro leh uga hadlay wayihii loo soo marey keenista iyo dhisidii qaranka Somaliland iyo in ay maanta muuqato waxii aynu dhowr iyo labaatan sanno soo dhiseyney in lagu burburiyey muddii yareyd ee xukuumadani tallada haysay sababtuna tahay si kooxaha ku loolama madaxtooyadu u gaadhaan dannohooda gaarka. Waxaa hadalkiisii ka mid ahaa mucjisooyinka (miracles) Somaliland soo martey marka laga yimaado ictitaaf la’aan 5sanno oo bilaa madaxweyne ah ee booga diwaangelinta ugu dara.
Waxaan Gudoomiyaha u rajeynaynaa safar nabad qaba inuu RABI ku guryogeeyo iyo in ilaahay qoladdii runta ka nixijirtey koley soo laabashadiisa way ka naxyaane ka duwro ishooda.
Xisbiga UCID iyo odayaasha Madasha waxaan ka rajeynaynaa in laacdanka iyo legdanka kulmiye intaan umadda laysla jiidhin ka hortagaan oo 19kii hore suaalood maanta 50 bay noqonayaan ee xukuumada suaalo badan la suaalo.
Wa bilaahi towfiiq
Guul iyo gobanimo
Mohamed Kama Koodbuur(Shiine)
Gudoomiyaha UK ee xisbiga UCID