Xisbiga Ucid oo Canbareyey Xadhiga Afhayeenka Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Mudane Botaan Guleed Axmed
London 12feb13 (SDN) Anagoo ah Xisbiga UCID waxaanu si mug-leh oo wada jir ah u-canbaareyneynaa Xadhiga foosha xun ee lagula kacey Afhayeenka Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Mudane: Bootaan Guuleed Ahmed oo ka mid ahaa Mujaahidiintii u soo Halgamey Qadiyada iyo qaranimada Somaliland.Waxaanu Xukuumada ka codsaneynaa in ay Muwaadinkaa ay Xoriyadiisa oo buuxda Si-deg-Deg ah ugu -soo celiso.
Waxaa Dastuurka Qaranka Somaliland uu Damaanad Qaadayaa in Muwaadin kasta oo Somalilander ahi in uu qaabkasta oo uu doono uu dareenkiisa u cabiro karo Xukuumadana dhaliili karo, weliba isagoo af-hayeen u ah xisbi mucaarid ah dastuurkuna xaq u siiyey inuu dhaliilaha xukuumada si waafiya uga hadli karo. Xukuumadda waxa looga fadhiyaa inaanay ku xad gudbin xoriyata lqowlka, Karaamada iyo milgihii uu xaqa u-lahaa muwaadinkaa Xisbiga mucaaradka u tirsanaa ee loo igmadey xilkaasi.
XISBIGA CADAALADDA IYO DARYEELKA EE UCID
Murashaxa Madaxwaynaha Mudane Jamaal Cali Xuseen