|

Xisbiga UCID garabka UK oo Hambalyo u diraaya dhamaan Shacabka reer Soomaaliland meelay joogaanba

London May 18,2013(SDN)-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID faraciisa UK ayaa Shacabka reer Somaliland ka hambalyeeyay munaasibada 22 Guuradii ka soo wareegtay kolkii Shacabku dib ula noqdeen madax banaanidooda.

Sidaa  waxa  lagu sheegay Qoraal uu ku sexeexnaa Guddoomiyaha UCID ee UK Md Maxamed Jaamac Koodbuur (Shine) oo u qaraa sidan;

Hadii aanu nahay Xisbiga UCID garabkiisa UK, waxuu halkan hambalyo uga dirayaa dhamaan umadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan ee maanta u dabaal degaya 22tan guurada 18 MAY. Waxaan leenahay ku ciida farxad iyo rayrayn. Waa munaasabadan qaali ah, taariikhi ah, haboon inaynu xasuusano naf iyo maalba waxii ku baxay helida markale xoriyad buuxda oo dhan kasta ah.

Ilaahay Farxadaa ha inoogu wado, ha inaga dhigo kuwii isu gargaara, gacmaha isqabsada, cadaalad iyo barwaaqona ku wada noolaada. Aamiin Aamiin Aamiin

 

Gudoomiyaha UK ee xisbiga UCID

Muhamad Jama Koodbuur (Shiine)

 

Comments are closed