Xisbiga Talada haya ee Kulmiye oo la fialaayo inuu soo dhawayn u samayo xubno ka tirsanaa hogaankii sare ee xisbiga Ucid
LondonApril 15,2014(SDN/QJ) Xubno ka tirsaanaa hogaankii xisbiga UCID ee sida deg dega ah xilalka iska casilay wakhtiyo kala duwan ayaa waxa la filayaa in Hargeysa loogu qabto xaflad soo dhawayna, xubnahan oo la filaayo inay ku biraan xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa waxa ka mida Cabdixakiim Garad Maxamed gudomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga UCID ,Xoghayahii guud ee xisbiga Axmed Adan Ismaciil Kayse , Xoghayahii Arimaha Dibada ahna safiirkii hore ee somaliland u fadhiyey Irelnad Cadifataax Siciid Adan , xoghayahii arimaha gudaha Mingiste iyo Afhayeenkii xisbiga muse axmed selabaan , xafladan oo abaabulkeedu laga dareemayo caasimada Somaliland ee Hargaysa,
Waxa sidoo kale dhawan la filayaa in xisbiga kulmiye soo dhamaystiro eragada beelaha uga qayb galaya shirwaynaha xisbiga oo la filayo inay ergeeyonku maanta ku soo dhaamdaan.
SDN/QJ-London
contact@qurbejoog.com