Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Saluug weyn ka Muujiyay Qaabka ay Komiishanka doorashooyinku u Shaqaynayaan DAAWO
Hargaysa 10.July 2015 (SDN/QJ)- Xoghayaha arimaha gudaha ee xisbiga Waddani Mustafe Maxamed Qodax ayaa walaac wayn ka muujiyay sida ay komishanka doorashooyinka qaranku shaqada u wadaan.
Xoghaye Mustafe Qodax Waxaa komishanka ku eedeeyay in shaqadii loo doortay komishanka gaabis badani ka muuqdo ,Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Waddanina waxaa uu ku sheegay mid saluug wayn ka qaba sida komishanka qaran hawsha doorashooyinka u wado.
“Waxay ahayd komishanka doorashooyin qaranka oo laga sugayay inay sheegaan wakhtiga Doorashadu qabsoomayso, Waanu ognahay inaanay ciidan haysan, inaanay iyagu u madax banaanayn inay go’aano ad adag fuliyaan oo aanay fulintii dalkana ahayn(Executive),Laakiin waxaa laga sugayaa inay sheegaan waxyaabaha caqabada ku ah inay doorashooyinkii qabtaan,Ma xisbiyada mucaaridkaa wada,ma xukuumadaa wada,ma Guurtidaa wada,Inay hadlaan oo umada u cadeeyaan bay ahayd afhayeen bay leeyihiin”ayuu yidhi Xoghaye Mustafe Qodax.
Xoghayaha Arimaha gudaha xisbiga Waddani oo hadalkiisa Sii wataa waxaa uu intaasi ku daray “Waxaan ogayn komishankii hore markay arimuhu sidan xasaasi u yihiin bil walba waxay la hadli jireen shacabka,komishanka waxaanu ku duraynaa oo aanu is leenahay umada ha u bayaamiyaan halka ay wax ka si yihiin”.
Mustafe Maxamed Qodax waxaa uu sidoo kale sheegay in diwaan galintii codbixiyayaasha ee madaxwayne siilaanyo digreetada ku ansixiyay aan wakhtigeedii dib uga dhacayso “Waxaa maalmahan soo baxbaxayay in diwaangalintii madaxwaynuhu digreetada ku ansixiyay wakhtigeedii aanay bilaabmayn,komishanku markaa dadka ha u cadeeyaan waxa diwaabgalinta dib u dhigaya”Ayuu Yidhi Mustafe Qodax.
Xoghaye Qodax waxaa uu fariin u diray komishanka doorashooyinka isagoo sheegay inay kalsooni buuxda u hayaan “ Komishanka doorashooyinka wali waanu ku kalsoonahay,waanu lasii shaqaynaynaa,laakiin hadalada aanu usoo jeedinaynaa ha ogaadaan inaanu wax tabanayno hadaanu mucaaridka nahay oo ha hagaajiyaan, Hana ogsoonaadaan samirku waanaga sii yaraanayaa”Ayuu Yidhi Xoghayaha Arimaha Gudaha X.Waddani.
Xisbiga Waddani Ayaa maalmihii u danbeeyay saluug wayn ka qaba sida komishanka doorashooyinka qaranku hawsha u wadaan, iyadoo shaqadii komishankuna hakad u gashay mudo kordhinta iyo khilaafka siyaasadeed ee dib uga curtay asxaabta qaranka iyo xukuumada.