|

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo Dhaliilay Siyaasada Arrimaha Dibada ee Somaliland,Kana Digay Ajandayaal Qarsoon oo Xukuumadu wado

Hargaysa 01,June (SDN) Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa Meel adag iska taagay Shirkii uu lagaga hadlayay Maalgelinta iyo Dib u dhiska  Somaliland iyo Somalia,Kaas oo ay ku Tilmaameen mid Lagu Minjo Xaabinayo Qaranimada Somaliland.

Xisbiga WADDANI Waxaa kale oo ay Cadeeyeen in Siyaasada Wasaarada Arrimaha Dibad ee Somaliland ay tahay Marba mid Jiho khaldan u kacaysa,Waxaa kale oo ay Wasiirka Arrimaha Dibada ku Canbaareeyen inuu kala arki waayay Calamada Somaliland iyo Somalia isla markaana uu hoos fadhiyay Calankii Somalia, waxayna sidaas ku sheegeen Warsaxaafadeed ay ka soo saareen Xaruntooda Caasimada Hargaysa kaas oo u dhignaa Sidan :-

“Xisbiga WADDANI wuxu hore uga hadlay in talada iyo itijaaha siyaasadda Arrimaha Dibaddu aanu ka maarmayn tallo Qaran oo la hufay, lana la faguray oo aanay ku koobnaan karayn Xukuumadda tallada dalka haysa, ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmad (Siilaanyo).

Waxay Somalidu ku mahmaahdaa “RUQE NINKII LAHAA DABADA HAYAA MA KACO”,Iyadoo aynu hore u diidnay shirkii London ee uu gudoomiynayey Ra’isal wasaaraha ingiriiska D.Cameron, markii ay ummadda Somaliland ka dhex wayday danaheeda, waxaa la yaab noqotay in uu wasirka arrimaaha dibada Somaliland ka qaybgalay shir uu gudoominayo safiirka Somaliya u fadhiya Kenya, oo loo qabtay maamul goboleedyada Somalia, aadna uga meeqaam hooseeyay shirarkii ka horeyay ee ka qarada waynaa shirkan.

Waxa ayaan darro ah, inuu Wasiirkii loo igmaday inuu ka midho dhaliyo majaraha siyaasadda Arrimaha Dibaddu ku andacoodo inuu ka qayb galay shir ay soo abaabushay Hay’ad fadhigeedu yahay UAE, oo uu dabo fadhiisto wufuudii gobolada iyo calankii Somalia, isagoo u muuqday gobol ka mid ah Somalia.

Waxa kale oo Xukuumadda Kulmiye looga fadhiyaa, goorta uu Wasiirka Arrimaha Dibaddu la wareegay portofolio-hii Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Duulista Hawada ee uu warbaahinta ugu sheegay inuu Nairobi u tagay sidii Somaliland uu maalgashi ugu soo jiidi lahaa, iyo inuu kala soo xaajoodo Xafiisyada Qaramada Midowbay arrintii duulimaadyada hawada Somaliland, iyadoo aanay kala socon cid ka tirsan labadaa Wasaaradood midnaba.

Xisbiga WADDANI wuxu mar labaad uga digayaa Xukuumadda, inaanay ku talaabsan kaligeed arrin lagu dhaawacayo Qaranimada Somaliland. Waxa waajib ah oo Xukuumadda Kulmiye looga baahan yahay inay ka talo geliso Goleyaasha Qaranka, Axsaabta Qaranka iyo cidii kalee ay uga maarmi weydo bulshada reer Somaliland arrimaha khuseeya Qaranka “National Issues”.

Wasiirka arrimaha debada Somaliland haddii uu wax kale arki waayay ma wuxuu arki waayay calanka Somalia ee shirka sudhan isaga oo aan sidan calankii qaranka Somaliland.

Xisbiga WADDANI wuxuu cambaaraynayaa, kana soo horjeedaa, wax kastoo dhaawacaya Qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu ummada Somaliland ugu baaqayaa, in ay jiraan ajandayaal u qarsoon xukuumadda, oo aan shacbiga Somaliland loo sheegin.

WA BILAAHI TAWFIIQ.”

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed