Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo Xoghaye u Magacaabay Guddoomiyihii hore ee Kulmiye iyo UDUB u Fadhiyay Woqooyiga America
London May 18,2013(SDN)-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa Yuusuf Isaaq Budle u magacaabay Xoghayaha Xisbigaas ee arrimaha Dibedda,sidaana waxaa lagu yiri War saxaafada loogu talo galay oo ay xalay soo saareen.
Xoghayaha Cusub ee Arrimaha Dibedda ee UCID ayaa hore u ahaa Guddoomiyaha Woqooyiga America ee Xisbiyada Kulmiye iyo UDUB.
Qoralka Xil magacaabida oo uu ku sexeexnaa Xoghayaha guud ee UCID Md Axmed Keyse Aadan Ismaciil ayaa sidan u qoraa;
“Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID Ujeedo: Magacaabis Xil oo Cusub Yuusuf Isaak Budle Xoghayaha Arrimaha Debada iyo Xidhiidhka Caalamiga
Ku: Yusuf Isaak Budle
Minneapolis, Minnesota, US=
Og: Xarunta Xisbiga Ucid
Hargeysa, Somaliland=
Og: Musharax Ku-xigeenka Xisbiga Ucid =Xarunta=
Og: Musharxa Xisbiga Ucid
Og: Guddoomiyaha Xisbiga Ucid
Mudane Budle:
Waxa farxad weyn noo ah in wada tashi dheer ka dib la isla qaatay in laguu magacaabo Xoghayaha Arrimaha Debada iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Xisbiga Ucid (Shadow Foreign Secretary and International Relationship of Ucid Political Party). Waxa aan kalsooni buuxda ku qabnaa in aad si habsami leh u fulin doonto una hirgelin doonto siyaasadda arrimaha debedda ee Xisbiga Ucid iyada oo aanu rumeysanahay in aad wax weyn ka tari doonta sidii xisbigu ula yeelan lahaa xidhiidh iyo saaxiibtinimo dhow dalalka iyo siyaasiyiinta daneeya arrimaha Somaliland.
Mudane Budle, waxa kale oo aan kula socodsiineynaa in dhawaan la soo saari doono dhismaha iyo magacyadda xubnaha guddiyadda Xisbiga Ucid ee Waqooyiga Mareykanka (North America). Waxa kale oo iyana xisbigu ku talo jiraa in uu sameey Guddida Arrimaha Debeda oo noqon doonta mid heer qaran ah. Waxa laga yaabaa in arrimahaasi oo dhami ay sahli doonaan sidii xisbigu uga midho dhalan lahaa higsigiisa siyaasadiisa arrimaha debeda iyo siyaasadda uu xisbigu ka leeyhay dalka Markeynkan.
Waxa xubnaha Xisbiga Ucid ee Laamaha Debeda,marka la soo dhameystiro, ay xidhiidh wada shaqeyn oo toos ah la yeelan doonaan Xoghayaha Arrimaha Debada iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Xisbiga Ucid sida uu sheegaayo Xeerka Xisbiga Ucid. Waxa aanan ku rajo weynahay in aad
sameyn doontaan xidhiidh wada shaqeyn oo fiiican. Allah Mahad Leh”.