|

“Xisbiga Kulmiye Waxaan u Malaynayaa inuu Ilaaway Guushii ay Saxaafadu Gaadhsiisay” Gudoomiye Xigeenka Xisbiga Waddani

Hargaysa 08.April 2014 (SDN)-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa  si adag uga hadlay xadhigga Wargeyska HAATUF oo Shalay galab ay Xukuumaddu  xidhay  isla markaana ay Xaruntii Wargeyska la wareegeen ciidammo boolis ahi,tallaabadaas oo ay ku tilmaameen nasiib darro Qaran oo ku habsatay dalka Somaliland haddii Xukuumaddii  ku tacadyayso saxaafadda Madax bannaan.

Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muunin Seed,ayaa tilmaamay in tallabadai aanay ahayn mid laga filayay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo marka loo eego kaalita ay ku lahayd warbaahinta Somaliland in Xisbiga KULMIYE ku soo boxo doorashadii ay guushu ku raacday,laakiin taa bedelkeeda waxaa uu sheegay inay soo noq noqotay tacadiga ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kula kacaysay Warbaahinta madaxa bannaan.

“Horta anaga ka xisbi WADDANIi ahaan aad iyo aad ayaanu uga xunay aad iyo aadna waanu u canbaraynaynaa cago juglayntaas iyo cabudhintaas ay saxaafada madaxbanaan ay xukuumada somaliland ku hayso,tanina tii ugu horeysa maaha waxaad ogtay jariiradii hubaal iyana ilaa maanta ay xidhan tahay  runtii aad iyo aad ayaanu uga xunay waxaanan xukuumada usoo jeedin lahaa in ay saxaafada madaxbanaan cudhinta xad dhaafka ah ka dayso.”

Guddoomiyaha ku xigeenka kowaad ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray

“Horta runtii sidaad ogtihiin dalkeena Somaliland waxa uu qaatay nidaamkan xisbiyada badan ee asaaska u ah dimuq-raadiyada oo runtii ay saxaafaduna ka tahay rukumada ugu waawayn marka loo eego habkan aynu qaadanay ee layidhaa dimu-raadiyada oo ay saxaafaduna ku cabiri karto rayiga dadwaynaha kolba waxa kasoo baxaya.”

Axmed-Muumin-SeedWaxa uu Guddoomiyuhu Madaxda Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye dib u xasuusiyey kaalintii ay Saxaafada Somaliland kasoo qaadatay sidii uu madaxwayne siilaanyo kursiga u hanan lahaa waxaana uu yidh

”Horta runtii xisbiga KULMIYE waxa uu ahaa xisbigii ugu horeeyey ee talada wadanka ku gaadhay saxaafada Somaliland ayaa uu ahaa xisbiga KULMIYE waxaan u malaynayaa inuu  ilaaway guushii ay saxaafadu gaadhsiisay xiligii uu mucaaradka ahaa iyo halgankii ay lasoo gashay markii uu maanta talada dalka hantiyeyna halkii laga sugayey inuu abaalkooda gudo cagta hoosteeda dhigay maalinba midku doono xidhay loona cago juglaynayo saxaafadii arinkaas waxaanu ku tilmaamaynaa hadaanu nahay xisbiga wadani nasiib daro usoo hoyatay wadankii somaliland magac darana inagu ah inagoo qaadanay nidaamka dimuq-raadiyada in saxaafada somaliland la cabudhiyo.”

Guddoomiyaha ku xigeenka kowaad Ee Xisbiga WADDANI Waxa Uu Sheegay Hadii qofka Nidaamka Iyo Sharciga Uyaal Qaranka Somaliland Ku Gafo In Talaabo Laga Qaadi Karo Waxaana Uu Yidhi

“Horta waxa aynu leenahay sharci waxaana aynu nahay dawlada qaran ah oo jirta hadii qofku ku gafo sharciga iyo qawaaninta u yaala dalka anagu ma ogin saxaafadee lakiin haday dawladu ogtahay am qofka soo dac-weeyay ogayahay in saxaafadu qaranimada somaliland gaf ku samaynayso am waxyaabo iska horkeeni kara qaranka somaliland iyo shacabkiisa Runtii arinkaasna waxa inooga yaal nidaam sharci oo dalku leeyahay oo loo maro lakiin in ciidan ladul dhigo maaha oo xafiisyadooda la iska galo ee waxa haboon in ay xukuumadu soo raacdo sifaha sharciga ah ee u yaala qaranka.”

Waxaanu Axmed Muumin Seed intaa ku ladhay

“Laakiin hada waxa halkaas nooga muuqata in ay xukuumadu dumisay dimuq-raadiyadii oo aanay marayn wadadii sharciga ahayd ciidana dul dhigtay waragayskii haatuf,waxaan halkaas nooga muuqatay in Han-tidiisiina laboobayo gacantana loola tagayo.”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka goobtaasi joogay ay boobeen hantidii iyo alaabtii taalay xafiiska qaarna jajabiyeen sida uu hadalka u dhigay guddoomiyuhu waxaana uu yidhi

“Sidaanu hada warka ku hayno booliska ayaa tagay goobta xarunta haatuf gudahana u galay xafiiskii Alaabtii iyo waxii yaalayna goobtaas gacanta ula tagay nidaam kaasina waa nidaam aad iyo aad u khaldan waxaana ku canbaraynayna xukuumada uu hogaaminayo madaxwayne somaliland, sharciga somaliland waxa uu dhigayaa iyada oo aan waaran loo haysan inaan gudaha loo gali Karin guriga ama xafiiska ay leeyihiin waxaan anigu odhan lahaa waa nasiib daro lasoo daristay xukuumada kulmiye.”

Hargaysa SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed