“Xisbiga Kulmiye Waa Xisbi Dimuqraadi Ah ,Xasan Gaafaadhina Xaq Ayaa Uu U Leeyahay Inuu Isku Soo Sharaxo” Gudoomiyaha Gudida Qabanqaabada Shirweynaha Kulmiye
Hargaysa 20.April 2014 (SDN)- Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye Ayaa Ka Hadlay Xiliga Uu Qabsoomi Doono Shirweynaha Xisbiga Kulmiye.
Waxa Kale Oo Abuukar Xaamud Jibriil Uu Ka Hadlay Musharaxnimada Guddoomiye Ku Xiggeenka Labaad Ee Xisbiga Kulmiye Uu Isku Soo Sharaxay Xasan Gaafaadhi Oo Ahaa Guddoomiyihii Ururkii Doorashada Ku Hadhay Ee Rays Markii Dambana Ku Biiray Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye Kaas Oo Shalay Shaaciyey Musharaxnimadiisa.
Guddoomiyaha Guddida Qaban-Qaabada Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye Abuukar Xaamud Jibrii Ayaa Sheegay Inuu Qabsoomayo Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye Toddobaadka Soo Socda,Waxaana Uu Intaasi Raaciyey Inaanu Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye U Baaqan Doonin Ergooyinkaas Aanay Qaarkood Soo Wada Xeroon.
Isagoo Ka Hadlaya Xiliga Rasmiyan Uu U Qabsoomayo Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Ayaa Waxa Uu Yidhi:-
“Nagama Socon Waayin Anag Ee Shirkuna Waa Qabsoomayaa Maalintii Loogu Talo Galay Mudadii Loogu Talo Galayna Maalin Ma Dhaafi Doono,Kolay Bil Aadanka Lagama Waayo Laba Qof Oo Is Diida Xisbiguna Waa Xisbi Dimuq-Raadi Ah Waxaana Loogu Talo Galay Inuu Xiligiisa Ku Qabsoomo.
Mar Uu Ka Hadlay Xiliga Ay U Qabteen In Ay Ku Soo Xeroodaan Ergooyinka Shirka Ka Qayb-galaya Ayaa Waxa Uu Yidhi.
”Ergadii Waanu Iclaaminay Waana Loo Qaybiyey Waliba Waxa Lagu Qaybiyey Waana Laga Sugayaa Wakhti Ayaanu U Qabanay Waanay Ku Dhaaftay Laba Qof Iyo Saddex Qof Cidna U Joojin Mayso Waana Uu Qabsoomaya,Hadana Waxaanu Ku Mashquulsanay Maantadan Aynu Ku Jirno In Sawiradii La Qaado.
Mar Uu Ka Hadlayey Musharaxnimada Xasan Goofaadhi Ee Jagada Guddoomiye Ku Xiggeenka Koowaad Ee Kulmiye Ayaa “Xisbiga Kulmiye Waa Xisbi Dimuq-Raadi Ah Xasan Gaafaadhina Xaq Ayaa Uu U Leeyahay Inuu Isku Soo Sharaxo Guddoomiye Ku Xigeenka Koobaad Ee Xisbiga Kulmiye Aniguna Kama Horjoogsan Karo Lamina Odhan Karo Xasan Isma Soo Sharaxi Karo Maaha Taasina Aniga Hawl Ii Taala Maaha.
Mar Uu Ka Hadlayey Rasmiyan In Uu Bulshada U Sheegi Karro Maalinta Uu Qabsoomayo Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Ayaa Yidhi:- “Kuuma Sheegayo Xili Aan Maanta Ku Leeyahay Maalintaas Ayaa Uu Qabsoomayaa Shirwaynaha Kulmiye Lakiinse Waxaan Adiga Kuu Sheegayaa Inaanu Igu Dhaafayn Toddoba Maalmood Qabashada Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye.
Hargaysa SDN.