|

Xisbiga Kulmiye oo sheegay in madaxweynaha Somaliland aanu ergo diranin

Hargeysa. 14 November, 2022. (QJ)- Xisbiga Kulmiye ee xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday ee Somaliland ay ka dhisan tahay ayaa maanta ka jawaabay go’aankii xisbiyada mucaaradka Somaliland ee ku aadanaa in aanay aqoonsanayn madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisa maadama ay dhacday mudadeedu.

Xoghayaha Abaabulka Xisbiga KULMIYE Saleebaan Siciid ayaa sheegay in Muuse Biixi aanu wax ergo ah u diran dhanka mucaaradka Somaliland, balse Qurbejoog ayaa xaqiijisay in aanay mucaaradku wax ergo ah diran ee dhanka madaxweynaha ay ka socdeen dhinacyadii dhex dhexaadinta waday.
Kulmiye wuxuu sidoo kale sheegay in Muuse Biixi uu diyaar u yahay mudadii Komishanku soo jeediyay ee 9 bilood ahayd iyadoo uu ka laabtay muddo kordhinta Guurtida.
Dadka wax falanqeeya ayaa ku macneeyay hadalka Saleebaan mid muujinaya sida Muuse Biixi aanu dan uga lahayn burburka Somaliland, maadaama ay joogaan ragii waawaynaa eee xisbigu ee madaxweynaha ay isku deegaanka ahaayeen balse siyaasi aan samayn lahayn oo da’yar hadalka loosoo dhiibay.

Comments are closed