|

Xisbiga Kulmiye Oo Dirqi Ugu Dhawaaqay Guddida Qabanqaabada Shirweynihiisa

 

Hargeysa:24-Dec-2013(SDN)-Xisbiga Talada Somaliland Haya ee Kulmiye ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddida Daadihin doonta qabanqaabada iyo Isku Duba-ridka Shirweynihiisa oo markii hore loo ballansanaa maalinta Berri ah.

kjkjXisbiga ayaa muddo dheer oo uu markii hore haystay awoodi kari waayey inuu soo saaro Guddi laga raali yahay oo hawshaas qabata, waxana ay taasi keentay in shirkii dib uga dhaco xilligii loogu talo galay.

Qoraal  uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo Nuqul ka mid ah soo gaadhay Shabakadda Wararka ee Qurbejoog.com, ayaa lagu sheegay in La magacaabay Guddi uu guddoomiye u yahay Guddoomiyihii hore ee la isku qabsaday, isla-markaana leh Afar Guddoomiye oo ka sii Hooseeya iyo Xog-haye.

Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidatan:

 

 

 

XISBIGA MIDNIMADA & HORUMARINTA SOMALILAND

(KULMIYE)

 

Address:  Jigjigayar, Ibrahim Kodbur District, Hargesia Somaliland.

Tell:           00252-2-527883

Mobile:      00252-4134891,4026659

Email:        headquater007@hotmail.com/Website: www.kulmiye.com/www.kulmiye.org

 

REF:  XK/XG/004184/2013

Date: 23/12/2013

Ku: saxaafadda

Ujeeddo : Warsaxafadeed

Waxa maanta oo taariikhdu tahay 23/DEC/2013 shir ay isugu yimaadeen Guddida Qabanqaabada ee shirwaynaha 3aad ee xisbiga KULMIYE ku doorteen guddoomiye, ku-xigeenno iyo xoghaye, waxaana Guddoomiye loo doortay Abubakar Xaamud Jibriil, halka afar guddoomiye-ku-xigeenna loo kala doortay; Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad Xasan Mowliid Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad Cabdiraxmaan Maxamuud Saalax iyo Guddoomiye-ku-xigeenka afraad Sahal Maxamed Jaamac.

Waxa kale oo shirkaasi Xoghayaha gudida qabanqaabada loogu doortay Axmed Cali Maxamuud.

Sidaasi darteedna waxay Guddiga Qabanqaabadu si toos ah u bilaabeen hawlahoodii shaqo.

Alla                           Mahad                     Leh

 

 

 

Mudane, Muuse Biixi Cabdi

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed