|

Xisbiga KULMIYE Oo Dadaallo Siyaasadeed Ku Qaaday Dhawr Aag Oo Kala Duwan Iyo Siyaasiyiin Miisaan Leh Oo La Filayo Inay Dhawaan Ku Biiraan

Hargaysa 04.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Ee uu Hogaanka u hayo Muj Muuse Biixi Cabdi ayaa bishii u dambaysay Dadaalo siyaasadeed oo culus ku qaaday Dhawr Jiho oo kala duwan kuwaasi oo uu ka gaadhay guulo diblomaasiyadeed oo muuqda,Waxaana dhawaan la filayaa inay Xisbigaasi ay ku soo biiraan Taageerayaal Miisaan leh Iyo Siyaasiyiin door ah oo Wax wayn u tari doona Dadaalka Siyaasadeed ee Xisbigu ka wado Gudo Iyo Didbadba.

2-6Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa tibaaxay Dardar xoogan oo Masuuliyiinta Xisbigaasi qaadeen todobaadadii u dambaysay gudo iyo dibadba oo ay ku doonayaan inay meel mariyaan inay soo xero galiyaan Siyaasiyiin miisaan leh oo markii hore u janjeedhay Dhinaca Mucaaridka,waxaana sida la sheegay la filayaa ina dhawaan ay raggaasi ka dhex onkodi doonaan Gudaha Xisbiga Kulmiye.

Kulamo kala duwan oo Maalmihii u dambeeyay ay Masuuliyiinta Xisbiga ugu sareeyaa ay la yeesheen siyaasiyiintaasi ayaa aakhirkii la isla Qaatay in meel laga wada duulo si loo gaadho Himilada iyo Hiigsiga Xisbiga Kulmiye ku doonayo inuu mar kale talada dalka ku guulaysto,Waxaana dadaaladaasi hogaanka u haya Musharaxa Xisbiga KULMIYE oo hadda Waysada u biyaystay inuu meel iskugu keeno Siyaasiyiinta Bisil ee doonaya in Masayrka Umadda Reer Somaliland laga midho dhaliyo.

Dhinaca kale,Waxa Si weyn looga dareemayaa Qurbajoogta Reer Somaliland ee Qaaradda Yurub, Ingiriiska iyo Maraykan,Dhaq dhaqaaq xoogan oo Taageero dhaqaale ay ugu Ururinayaan Xisbiga Kulmiye,iyadoo dhinaca kalena ay garab socota Xaflado Qurbajoogtu iskugu imanayaa islamarkaana ay ku muujinayaan Cududa Taageerada Xisbiga Kulmiye,taasi oo ay ugu diyaar garoobayaan Doorashooyinka Madaxtooyadda Somaliland oo la filayo inuu dalka ka qabsoomo Bilawga Sanadkan Fooda inagu soo haya,iyo in Xisbiga Kulmiye mar kale ku guulaysto Talada Dalka.

Muddooyinkii ugu dambeeyey xisbiyada qaranka ayaa tartankoodu xaammi noqday kuwaasi oo si weyn u kala jiidanaya siyaasiyiinta iyo shacabka Somaliland maadaama ay doorashooyinkii madaxtooyadu innagu soo fool leeyihiin.

Comments are closed