Xisbiga Kulmiye oo ay ku biireen Maayarkii Berbera ee Xisbiga Ucid iyo Xildhibaan isla Ucid ah {DAAWO}
Berbera 28.Sep 2013 (SDN)- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee galoaha wakillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax oo ay Weheliyaan xubno ka tirsan Golaha wasiirada ayaa maanta xarunta Gobolka saaxil ee BerBera kaga qayb galay xaflad si weyn loo soo agaasimay oo loo sameeyay xubno ka mid ah Golaha Degaanka Degmada Berbera oo ku biiray xisbiga talada haya ee kulmiye.
Waftigan Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada oo ay ka mid yihiin Gudooniyaha xisbiga kulmiye Md. muuse biixi Cabdi ,Wasiirrada Madaxtooyada Md Xirsi Cali X. Xasan,Gaashaan dhiga Md Aaxmed xaaji Cali Cadami ,Warfaafinta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa si weyn u soo dhaweeyay xubnaha golaha degaanka ee Magaalada Berbera ee ku soo biiray xisbiga kulmiye oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Golaha Degaanka ee magaalada Berbera C/shakuur Maxamud Xasan cidin , Iyo Xildhibaan C.rashiid Xaaji Maxamed Yuusuf oo labadooduba ka Tirsanaa Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid .
Xafladan oo ay ka qayb galeen masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee xisbiga kulmiye Md. Maxamed Kaahin Axmed , Wasiir Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir,Gudoomiyaha Gobolka Saaxil, Maareeyaha dekadad berbera masuuliyiinta xisbiga kulmiye iyo dadweyne tiro badan oo ay kamid yihiin taageerayaasha Xildhibaanada ku soo biiray xisbiga kulmiye, ayaa madaxda xisbiga iyo xukuumada ee ka qayb galay munaasabadaasi ay si diiran ugu soo dhaweeyeen xubnaha ku soo biiray xildhibaanada ku soo biiray xisbiga kulmiye,
Xildhibaanada golaha degaanka magaalada ber bera eek u biiray xisbiga ayaa iyana halkaas ka muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in doorkooda ay ka qaataan dadaalka xisbigatalada haya ee kulmiye ku hormarinayo dalka.
Berbera SDN.
Qurbejoog.com