|

“Xisbiga KULMIYE ee hadda jira anigu wax Hawl ah oo aan ku leeyahay ma jirto, Wakhti iigu hadhay oo aan iskaga luminayaa ma jirto” Xildhibaan Waabeeye

Hargeysa, 3 June, 2016-(SDN/QJ): – Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa Doraad buuxiyey Jagada Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbigaasi oo uu laga saaray Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo ka mid ahaa Xubnaha la baxay Isbahaysiga KULMIYE ee ka cadhooday Shirkii Golaha dhexe ee lagu Doortay Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbigaa uga qayb-galaya tartanka Doorashada Madaxtooyada ee Sannadka Dambe.

waabeeyeLaakiin, Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE oo Wargeyska Himilo waydiiyey sida uu u arko in Guddoomiyaha KULMIYE Magacaabay Masuulkii Beddeli lahaa, ayaa sheegay inaan Xisbiga KULMIYE waxba ugu hadhin isla-markaana aanu wakhtigan ku doodeyn inuu yahay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbigaas.

 

Xildhibaan Waabeeye oo Arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Xisbiga KULMIYE ee hadda jira anigu wax Hawl ah oo aan ku leeyahay ma jirto, hadduu Qof dooranayo iyo hadii kaleba oo Wakhti isugu kaayo xidhay ma jiro Ninkaa (Muuse Biixi), isaga ayayna u taallaa sida uu u Magacaabanayo, hadduu Xalaal ku Magacaabanayo iyo hadduu Xaaraan ku Magacaabanayo isagay jirtaa, laakiin Wakhti KULMIYE iigu hadhay oo aan iskaga luminayaa ma jirto, imikana ma ihi Nin ku doodaya inaan ahay Guddoomiye Ku-xigeenkii Labaad ee Xisbiga, siday igu beddeleen siday doonto ha ahaatee.”

 

Xildhibaanku waxa kale oo uu tilmaamay oo uu yidhi, “Gabey baa ahaa Ninkii Iga Maarma Anna Uma Muraad-yeesho.”

Comments are closed