|

“Xisbiga Kulmiye barigii uu mucaaridka ahaa wuxuu ka qaylin jiray afar daarood oo Hindiya Line-ka ku yaala,Inay Dekedda Berbera Wareejiso Maaha” Murashax Jamaal

Edminton April 22, 2015 (SDN/QJ) – Murashaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa naqdiyey qorshaha xukuumaddu ku raadinayso maalgeshi dibadeed oo lagu sameeyo dekadda magaaladda Berbera oo lagu kala dooranayo dhowr shirkadood oo la kala leeyahay dalalka Faransiiska, Imaaraadka iyo Sucuudigu

ucidJamaal Cali Xuseen waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay in cid gaar ah lagu wareejiyo isha-dhaqaale ee dalka, waxaanu ku dooday in qorsheyaashan arrintan la xidhiidha ay ay ka xishoodeen xukuumadihii hore ee talada dalka soo qabtay.

Musharaxa Madaxwaynaha UCID oo ka hadlayey munaasibad balaadhan oo ay ku qaabileen jaaliyada reer Somaliland ee magaaladda Edminton ee dalka Kanada, waxa uu Jamaal Cali Xuseen ka sheegay inay Xisbi ahaan soo dhawaynayaan maalgeshi dalka lagu sameeyo, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Dalka in la maalgeliyo waa muhiim waananu ogolnahay laakiin waa in wax walba ay noqdaan wax cad oo aanu madmadow ku jirin oo Baarlamaanka la mariyaa, runtiina dawlad wakhtigeedii dhamaatay inay Dekadda Berbera arrimaheeda wareejiso maaha iyadoo aanay dadka u sharaxin faa’iidada ay leedahay, laakiin wixii la qariyo qudhun baa ku jira,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen, waxaanu intaas raaciyey, “Hadday dawladuu maalgashi raadinayso, maxaa keenay in la qariyo maadaama arrinkan Dekadda Berbera uu ilaa xilligii Riyaalle socday oo ay dawladihii hore taxadir badan ka sameeyeen,” ayuu yidhi.

Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga UCID Md Jamaal isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas raaciyey, “Xisbiga Kulmiye barigii uu mucaaridka ahaa wuxuu ka qaylin jiray afar daarood oo Hindiya Line-ka ku yaala oo xukuumadii Rayaale iibisay oo aanay marinin Baarlamaanka, laakiin immika xukuumaddani waxaabay ku dhiiratay arrimo aanay hungurayn jirin dawladii UDUB, dekadii Berbera ee dalka oo dhan quudinaysay ayey u xadhko xidheen in iyagoo ay mudadoodii sharciyada ahayd ka hadhsan tahay wax ka yar 68 cisho inay dhaxal-wareejiyaan dekaddii dakhliga dawladuba 90% ka soo xaroonayey,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Jamaal Cali Xuseen waxa uu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha xil ka qaadistii guddoomiyaha maxkamadda Sare oo uu dhaliilay. “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare xilka Madaxweynahu wuxuu xaq ugu leeyahay inuu u gudbiyo labada golle, laakiin digreeto sidii wasiiradda ah loogama qaadi karo ee waa inay dawladdu iyaddu sharcigga dhaowrto,” Sidaas ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Edminton SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed