|

Xisbiga Jamhuuriga oo soo xushay cida Obama wejihi doonta

Washington April 12,2012(SDN)-Xisbiga Jamhuuriga ah ee dalka Mareykanka ayaa bilihii ina dhaafay ku hawlanaa tartan is reebreeba oo loogu jiray soo xulida cida tartanka Madaxweynenimo uga qeybgelidoonta dhamaadka sanadkan.

Mit Romney ayaa haatan u taagan tartanka madaxweynenimo ee lagu wado wado in uu qabsoomo bisha Novenber ee sanadkan.

Madaxwene Barack Obama ayaa durtaba si duur xul ah u weeraray Romney oo ah nin maal qabeen ah.

Madaxweyne Obaama ayaa halku dhigiisu yahay in maalqabeenadu bixiyaan canshuuro ku jaan goan aduunka ay heystaan.

Iminka ayaa maalqabeenada Mareykanka ayaa bixiya canshuur ka hooseysa ta dadka u shaqeeya.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa dhankiisa diirada saaraya shaqalaanta Marekanka regaadisay.

Sidoo kale Jamhuuriyiintu waxa ay doonayaan in la sii anba qaado dagaalka caalemiga ah ee argegixisada lagula jiro.

Ma cada sida xaal noqoqn doono,waxase muuqata in tartanka madaxtinimada ee aqalka cad uu sanadkan xiiso gaadha yeelan doono.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed