Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID oo Taageeradii ugu Badnayd kala Kulmay Jaalliyada UK Iyo Garabkii Kulmiye ee Uk oo ku Soo Biray+Daawo Sawirrada Xaflad Hoggaanka Xisbiga lagu Soo Dhaweeyay
London Qurbojoog 25/9/2012 Tageeraysha xisbiga UCID ayaa habeenkii xalay xaflad taarikha ku qabtay caasimada UK, xafladan oo ahayd mid aad loo soo habeyey ayaa waxa ka soo qayb galay dadwayne aad u tiro badan oo ka kala yimid dhamaan gobolada dalkan UK iyo qarada yurub.
Xafladan oo aad moday mid aan hore looga baran wadanka UK ayaa waxa ka soo qayb galay salaadiin,aqoon yahano iyo waxgarad ayaa waxa lagu soo dhawaynayey Gudoomiyaha Xisbiga Eng:Fayasal Cali Waraabe iyo murashaxa xisbiga ee tartanka madaxwayne Jamaal Cali Xuseen iyo ku xigeenkiisa Cabdirashiid Xasan Xataan.
Waxa halkaa khudbado tariikhiyaa ka soo jediyey marti sharafkii isagu yimid goobta, iyada oo aad modid in qof waliba xamasadeysnaa, ayaa waxa dhaman garabyadii haweenka ee xisbiga Kulmiye ee UK Ay goansadeen inay ku soo bireen xisbiga cadalada iyo daryeelka halkaas oo gabtii ay mar qudha ay wada kaceen dadwaynahii halka isagu yimid dhamaan tood.
Waxa kale oo xusid mudan ururka habalaha Alaybaday ee Gobalka Gabilay oo iyaguna si rasmiya ugu soo biray xisbiga UCID waxan ka Maqnayn Fanaaniinta oo soo bandhigay heeso cusub oo loo sameyey xisbiga UCID oo ay ku luqeyeen fananada Farxiya Fiska iyo Caydaruus iyo Fanaanka Nuur Dalacay oo u hanbalyeeyay Aqoon Yahan Jamal Cali xuseen kuna biriyey tageeradiisa.
Gabagabdii xaflada ayaa waxa halka khudbado taariikhiya ka jediyey Gudoomiyaha xisbiga faysal cali warabe oo ka hadlay marxalada ay wadanku marayo iyo tariikhdi xisbiga ee uu halkan soo garsiyey,Murashaxa Madaxwayne ku Xigeenka Cabdirashiid Xasan Mataan , kana Hadlay waxa hor yaala Xisbiga iyo Waxqabadka dhabta ee la rabo,waxa isna codbaahiyaha lagu soo dhaweyey Murashaxa Madaxwaynaha Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay Marxalada uu wadanku marayo iyo isbadalka horyala xisbiga.
Waxa la filayaa in xafalado tageero ah lagu qabto dhamaan gobolada dalka UK iyo dalal kale oo ka tirsan qarada Yurub.
Qurbejoog.com, london
Nasir Mohamed ALi