|

Xisbiga Cadaalada iyo Hormarka: Waan soo dhaweyneynaa Aqoosiga Maraykanku uu u fidiyay dowladda

Muqdisho Jan 20 2013 (SDN)– Xisbiga Cadaalada iyo Hormarka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay Aqoonsiga ay dowladda Maraykanka u fidisay dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warsaxaafadeed laga soo saaray Xarunta Xisbiga Cadaalada iyo Hormarka Soomaaliyeed uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho, islamarkaana uu ku saxiixnaa guddoomiyha xisbigaasi ayaa waxa si weyn loogu soo dhaweeyay aqoonsiga ay Xukuumada Washington u fidisay dowladda Soomaaliyeed ee dhawaan la soo dhisay.

Guddoomiyaha Xisbiga Maxamuud Cabdulaahi Wehliye (Waqaa), oo warsaxaafadeedka ku xusnaa ayaa sheegay in Aqoonsiga Maraykanku uu u fidiyay dowladda Soomaaliya ay muujineyso sida ay caalamku uu doonayaan in isbadal la taaban karo laga sameeyo dalka Soomaaliya oo muddo 20-sano ah dowlad dhexe aan laheyn.

Mudane Maxamuud Cabdulaahi Wehliye (Waqaa) guddoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Hormarka Soomaaliyeed ayaa ku nuux-nuuxsaday in dadaal dheeri ah oo ay gashay dowladda cusub ee Isbadal doonka ah lagu gaaray in Maraykanku uu markii ugu horeysay muddo 19-sano ah kaddib uu aqoonsado dowlad Soomaaliyeed, waxana uu ku tilmaamay in ay tahay guul taariikhi ah oo ay soo hooyeen Xasan Sheekh iyo Mr. Saacid.

Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay in isbadalka dowladdu aysameynayso uu yahay mid wanaagsan oo dhanka fiican loo wado, laakiin guddoomiyuhu waxa uu farta ku goday in Isbadalka dowladda Madaweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Saacid ay ka dhimantahay in xilka laga xayuubiyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur Tarsan oo uu ku tilmamay in uu ku fashilmay wax ka qabashada gobolka Banaadir.

Warasaxaafadeed 

SDN-Muqdisho

Comments are closed