|

Xiriirkaka dhexeeya Fosiya Yusuf Xaaji iyo madaxda sare ee Dawlada Soomaaliya iyo saadsha waxa ay kala kulmi karto xilka loo magacaabay

Hargeysa Nov 05,2012(SDN)-Xilka wasaarada arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa ahaa ka ugu hirdanka weynaa ee sida ba’an loogu tartamay todobaadyadii u danbeeyay ee lagu hawlanaa dhisada xukuumada Soomaaliya.

Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo dadku xilal dhawr ah hore ugu soo barteen ayaa aakhirkii noqotay ruuxa xilkaa hantay.

Hadaba Fowsiya oo si weyn loogu yiqiinay xilal ay ka mid ahaayeen milkiilenimada TVgii mudada kooban hawada ku jiray,guddoomiyihii hore ee Jaamacada Hargeysa iyo urur siyaasadeedkii Somaliland ee NDP ee wareeguu hore ee isreereebka ku hadhay ayaan la yaab ku noqotay dad badan sidakediska ah ee ay marwadu uga soo dhex muuqatay saaxada siyaasada Muqdisho.

Fowsiya ayaa xiriiro dhaw la leh labada masuul ee dalka u sareeya,waa madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud ayaa bare ka ahaa Jaamacada Hargeysa xiligii ay Fawsiyi aheyd guddoomiyaha.

Xiligaa oo la sheegay in ay aad isugu dhawaayeen oo ay wada dhaweyn weyni ka dhexeyn jirtay labada masuul.

Raisul Wasaaraha Soomalaiya Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) ayaa qudhiisu xiriri dhaw la leh marwo Fowsiya Xaaji.

Xaaska Raiisul wasaare Saacid Caasha ayaa xiriir dhawi uu ka dhexeeyaa wasiirka cusub ee arrimaha dibedda Soomalaiya.

Arrimahaa is barkaday ayaa u sahlay in Marwo Fowsiya Xaaji ay xilka kasbato oo la loodin waayo.

Hadaba Marwo Fawsiya ayaa shakhsiyadeeda waxa lagu sheegaa in ay tahay ruux bulshaawiyad ah oo la soo dhaqantay mujtamic kala duwan.

Balse waa ruux ku adag afkaarteeda waxyaabo badana uga tagata ama uga dhaqaajisa hadii ay sidii ay dooneysay wax u fuli waayaan.

Xilka wasiirnimo ee haatan loo magacaabayna waa mid dul weyn u baahan oo isu soo jiid iyo tanaasul uun lagu xejisan karo.

Isku soo xooriyoo koleey Marwo Fowsiya Xaaji Aadan waxa dhici karta in waxyaabo badan oo hore ay quursi uga dhaqaajin jirtay xilkanse waa mid ay qudeedu dareemi karto in aanu aheyn mid si fudud ruuxna uga dhaqaajiyo.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed