Xiriirka Kubedda Cagta Soomaaliya oo AMISOM ka dalbaday in ay ka baxaan Stadium Mogadishu
Muqdisho Oct 18,2012(SDN)-Xiriirka Kubedda Cagta ee dalka Soomaaliya ayaa booqasho rasmi ah oo ay ku tegeen Garoonka Kubbedda cagta ee dalka u weyn waxaay ku soo qiimeeyeen xaalada Garoonka oo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM.
Madaxa Xiriirka Kubedda Cagta ee Soomaaliya Md Cali Siciid Guuleed Rooble iyo Xoghayaha Guud ee xiriirka Cabdiqani Siciid CarabĀ ayaa wadahadal dheer oo ay la yeesheen saraakiisha AMISOM waxa ay ku hor dhigeen dalab ay ku doonayaan in garoonka looga baxo.
Dalabka waxa weheliyay codsi uu xiriirka kubedda cagtu u jeediyay AMISOM oo uu uga codsaday in ay gacan ka siiyaan sidii shicibku mar kale garoonka ugu soo daawasho tegi lahaayeen ciyaarahaay sida weyn u jecel yihiin.
Garoonka Kubedda Cagta ee Muqdisho ayaa waxa sanadii 1978kii dhisay dalka China,waxaana lagu qabtay ciyaaro caalemi ah ka hor burburkii dalka.
Sanadihii u danbeeyayse waxa garoonku uu fadhiisimo u ahaa xiliyo kala duwan ciidamo qaar caalemi ahaayeen halka qaar kalena ahaayeen meliisho beeleedyo.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com