Xilka Qaadis lagu Sameeyay Afhayeenkii Booliska Somalia
Muqdisho 15.April 2014 (SDN)- Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyay afhayeenkii ciidanka booliska Jeneraal Maxamed Cumar Madaale.
Wareegto ka soo baxday xafiiska taliska booliska Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday afhayeenkii hore, waxaana xilkaas loo magacaabay gaashaanle dhexe Cabdiqaasim Axmed Rooble.
Dhowaan ayaa lagu wadaa in shaqada u la wareego afhayeenka cusub ee ciidanka booliska.
Wareegtada waxaa ku Saxeexnaa taliyaha ciidanka booliska Soomnaaliya Jeneraal Cabdixakiim Daahir Saciid.
Muqdisho SDN.
Contact@qurbejoog.com