Xilima ayaa lasii daynayaa dadkii Hargeysa lagu xidhay Khamiistii
Maanta illaa berri waxa la filayaa in lasii daayo dadkii tirada badnaa ee ay xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay maalintii Khamiista.
Dadkaasi waxay iskugu jireen shacab, masuuliyiinta muraacadka iyo saxafiyiin.
Dedaalada sii-daynta ayay sameeyeen gudida iskood isku xilqaantay ee dhex dhexaadinta ka dhex wada mucaaradka iyo xukuumadda.
Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa maanta ku hawlanaa in waraaqaha sii-daynta uu kasoo qaado laamaha ay khusayso ee dawladda, iyadoo maanta ama berri lagasoo qaadayo xabsiga Mandheera oo loo qaaday.