|

Xildhinaanada labada aqal ee Puntland oo taageeray Doorashooyinka Jubaland

Muqdisho November 12, 2024(QJ)- War saxaafadeed ay soo saareen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Puntland ayaa si weyn loogu taageeray doorashada la qorsheynayo in ay ka dhacdo maamulka Jubaland.

Xildhibaanadan oo gaaraya 26 ayaa sidoo kale si adag uga soo horjeestay muddo kororsi ay dowladda Federaalka Soomaaliya u sameysay dowlad goboleedyada iyo qorshaha hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo mid xisbi.

Xubnahan ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay qalqal siyaasadeed iyo mid amni ka abuurayso deegaanada Puntland iyo Jubaland. Waxay uga digeen Villa Somalia inay ku dhaqaaqdo talaabooyin wax u dhimaya amniga iyo xasiloonida labadan dowlad goboleed ee federaalka ah.

Leave a Reply