|

Xildhibaao warqad ka qoray canshuurta cusub

Muqdisho August 17, 2024(QJ) -Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa warqad u qoray Guddoonka Golaha Shacabka, iyagoo ka codsaday in Ajandaha kulanka Baarlamaanka lagu daro ka doodista cabashooyinka isa soo taraya ee ka dhashay canshuuraha cusub ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda.

Xildhibaanada ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto cabashada ka imaaneysa qeybaha kala duwan ee ganacsatada, sida Darawalada Bajaajta (Saddexda Lugood) iyo Ganacsatada wax kala soo degta Dekedda Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale walaac gaar ah ka muujiyay saameynta ay ku yeelan karto xasiloonida dalka, xisaab celinta tooska ah ee ay qorsheyneyso Wasaaradda Maaliyadda oo lagu wado in ay dhaqan gasho maalinta berito ah oo ku beegan 18-ka bishan Agoosto.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in maalinta berri ah uu magaalada Muqdisho ka socdo abaabul ballaaran oo looga soo horjeedo, iyadoo la qorsheynayo in la xiro goobaha ganacsiga, taasoo qayb ka ah dibadbaxa.

Comments are closed