|

Xildhibaano Saluug ka Muujiyay Golaha Wada Tashiga Madaxa Banaan ee Hargaysa lagaga dhawaaqay

Hargaysa 16.July (SDN) Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiiladda ayaa  shir jaraa’id oo ay qabteen  waxay ku sheegeen inaanu jirin Gole afraad oo ka baxsan Saddexda Gole Qaran ee dalku leeyahay,isla markaasina Golaha ay dhawaanta ku dhawaaqeen   qaar ka mid ah siyaasiyiintu uu yahay mid baal marsan sharciga dalka u yaala.

Shirkan Jaraa’id oo ay si wada jir ugu qabteen magaalada Hargaysa, Xildhibaan Siciid maxamed Cilmi, Xildhibaan,Ibrahim Axmed Haybe, Xildhibaan,Farxaan maxamed cali,Xildhibaan ,Axmed Yaasiin Ayaanle iyo Xil,Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, oo dhamaantood ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa ay ku tilmaameen Golaha dhawaan lagaga dhawaaqay Magaalada hargaysa  mid   lagu khal-khal gelinayo  bulshada. Waxaanay xildhibaanadu sheegeen in siyaasiyiinta Golahaa ku dhawaaqay aanay wax xidhiidh ah la soo samaynin Golaha wakiilada,balse  uu albaabkiisu u furan yahay.

Mudanayaashu waxa  ay intaa ku dareen,in dalkan ay ka hana qaaday dimuqraadiyad ku dhisan hanaanka Axsaabta badan, isla markaasina  uu leeyahay Golayaal sharci  oo u Igman  howlaha  Qaranka.sidaa awgeedna aanu jirin Gole  kale oo masuuliyadaas qaadi karaa  oo dalka ka dhaqan gelayaa. Waxaanay  Mudanayaashu  u soo jeediyeen Siyaasiyiinta Golahaa ku dhawaaqay  inay  ku biiraan  Axsaabta Qaranka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed