|

Xildhibaano Maanta Farta Ka Saaray Madaxweynaha Somalia Warqad Warqada Dalabka Ee Ah Inuu Iscasilo

rrrrr08,May,2014(SDN/QJ)- Wararka  Qurbejoog.com soo gaadhay ayaa sheegaya in qaar kamid ah Xildhibaanadii soosaarey baaqa loo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in uu is-casilo isaga oo dalka u daneynaaya ay maanta si rasmi ah Madaxweynaha ugu gudbiyey talo soo jeedintoodi ahayd in uu is casilo.

Xildhibaanada ayaa marka hore baaqooda gacanta u geliyey Guddoomiyaha Baarlamaanka, waana uu ka gudboomey, kadib waxaa ay tageen Villa Somalia iyaga oo madaxweynaha gacanta ka geliyey talada ay soo jeediyeen si rasmi ah. Tirada Xildhibaanada gaadhy Villa Somalia ayaa gaadhayay  30 Xildhibaan.

Madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayaa wada dhaq-dhaaaq xooggan oo ay ku deminayaan waxa uu ugu yeedhay “Dhawaaq Siyaasadeed” kaas oo khatar ku ah mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Qaar kamid ah Xildhibaanada baaqa saxiixey ayaa sheegaya in haddii Madaxweynuhu u hoggaansami waayo dalabka Xildhibaanada doortey in ay qaadayaan tallaabo ay xilka uga xayuubinayaan.

Sida uu qabo dastuurka federaalku mooshinka xilka looga qaadi karo madaxweynaha waxaa Golaha Shacabka horkeeni kara ugu yaraan 91 Xildhibaan. Xildhibaanada baaqa is casilaada u jeediyey madaxweynaha ayaa kor u dhaafaya 116 Xildhibaan.

Dhinaca kalena dadka sida dhaw ula socda Siyaasadda Qasan ee Somalia,ayaa wlaac weyn ka qaba Natiijadda Baaqa Xikdhibaanadda ee Ku aadan inuu Xilka Ka Huleelo,iyada oo aan la saadalin Karin sida ay wax noqon karaan Maalmaha soo aadan.

SDN/QJ-Muqdisho

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed