Xildhibaano ka Tirsan Golaha Deegaanka Hargaysa oo Kormeer ku tagay Degmada Dacar Budhuq iyo Mudaharaad ay Shalay Sameeyeen ardayda wax ka dhigta dugsiga degmadaas
Hargaysa 19.March (SDN) Shan Xildhibaan oo ka tirsan Gudi hoosaadyada Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa ayaa maanta Kormeer hawleed ku tagay Degmada Dararweyne oo ay Maalintii Shalay Mudaharaad ka Sameeyeen Ardayda Wax ka barata Dugsiga Hoose dhexe ee Degmadaas.
Xildhibaan Maxamed Aw Aadan Wayrax oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Deegaanka Caasimada oo Khadka Telefoonka uga Waramayay Shabakada Qurbejoog.com ayaa Ujeedada Socdaalkooda Waxa uu ku Sheegay mid Salka ku hayay sidii ay u Xalin lahaayeen Cabasho ka timid ardayda wax ku barata dugsiga hoose dhexe ee degmadaas,oo la cabanayay Macalimiinta Iskuulkaas oo aan ku filayn inay daboolaan baahida Waxbarasho ee Dugsigaas.
Xildhibaanku waxa uu Sheegay inay Kulamo la qaateen Maamulka,Macalimiinta, Gudiyada Waalidiinta iyo Ardayda wax ka barta dugsigaas isla markaasna ay u balaan qaadeen in Maamul in intii awoodooda ah ay wax kala qabanayaan arrintaas,waxaanu intaas ku daray in Kulankaasi uu Jewi wanaagsan ugu dhamaaday.
Xildhibaan Maxamed Aw Aadan Wayrax waxa uu ka dayriyay Gumaad ba’an oo lagu hayo dhirta Qoyan si loogu adeegsado Dhuxulaysi waxaa kale oo uu Sheegay in Deegaankaasi ay ka taagan tahay Xaalad biyo Yaraaneed.
Geesta kale Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Maroodijeex Xuseen Ibraahin Xasan oo uu Weheliyo Agaasimaha Waaxda Kormeerka ee Wasaarada Waxbarashaada ayaa iyana waxay maanta kormeer Shaqo ku soo mareen dugsiyo ku yaala deegaano ka tirsan Gobolka .
Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolku waxay kormeerkoodan ku soo mareen dugsiyo ku yaala Deegaanka Jaleelo,Dararweyne,Dacar budhuq, iyo Dheenta oo ka tirsan Degmada Laasgeel.
Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Maroodijeex Xuseen Ibraahin Xasan ayaa Xog waran ka dhagaystay Maamulada Dugsiyada ay soo mareen isla markaana u kuurgalay habsami u socodka hawlaha Waxbarasho .
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com