|

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Burundi oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho

Muqdisho Feb 10 2013 (SDN)— Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Burundi kuwaasi oo garoonka Muqdisho ay kusoo dhaweeyeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanadaan ka yimid dalka Burundi oo tiradooda ay gaaraysa ilaa lix Xildhibaan ayaa ujeedka ay uyimaadeen Magaalada Muqdisho wuxuu yahay inay soo booqdaan markii ugu horeysay.

Xildhibaanadan ka tirsan Baarlamaanka dalka Burundi ayaa waxaa hogaaminaaye Gudoomiyaha guddiga difaaca Baarlamaanka dalka Burundi markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha waxa ay halkaasi kula hadleen warbaahinta iyaga oo sheegay inay aad uga faraxsan yihiin in Muqdisho ay maanta soo booqdaan.

Hakasimana Emilien oo ah Gudoomiyaha guddiga difaaca Baarlamaanka dalka Burundi ayaa sheegay in dalka Burundi uu kamid yahay dalalka ciidanka ay ka joogaan Soomaaliya islamarkaana Dowladda Soomaaliya caawiya.

Maxamed Axmed Kulan oo kamid ah Baarlamaanka dalka Soomaaliya oo ka qeyb qaatay soo dhaweynta Xildhibaanadaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Burundi ayaa dhankiisa sheegay inuu aad uga faraxsan yahay in dalka Soomaaliya uu kusoo dhaweeyo xubno ka tirsan Baarlamaanka dalka Burundi.

Dalka Burundi ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan ku shaqeeya magaca AMISOM kuwaasi oo ka howlagala Magaalada Muqdisho iyo Gobalada qaar ee dalka Soomaaliya.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed