Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Somalia oo Digniin Adag u diray Ra’isal Wasaare C.weli Sheekh
Muqdisho 13.Jan 2014 (SDN)- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka DF ayaa uga digay Ra’iisul Wasaaraha DF C/weli Sh. Axmed Maxamed inuu soo magacaabo golihiisa Wasiirada inta go’aan laga gaarayo mooshinka laga geeyay Baarlamaanka in xukuumadiisa ay ka mid noqdaan Wasiiradii Xukuumadii Saacid iyo in kale.
Mudanayaashan ayaa waxay sheegeen in hadii uu soo magacaabo ay dhici doonto inay diidaan, waxaana Xildhibaanadan ay sheegeen in qorshayaal la doonayo in Wasiiradii hore ay uga mid noqdaan Xukuumada cusub uu weli ka socda Madaxtooyada Somalia.
“Ra’iisul wasaaraha DF waxaan uga digaynaa inuu soo magacaabo Wasiiradii ka mid ahaa xukuumadiisa, sidoo kalena waxaan ugu baaqaynaa inuu dib u dhigo magacaabista Golihiisa Wasiirada inta go’aan laga gaarayo Mooshinka ka yaala Baarlamaanka” ayuu yiri Xil. C/ladiif Muuse Nuux oo Warbaahinta la hadlay maanta [Jan 13, 2014].
Xildhibaan Nuux ayaa hadalkiisa ku daray in dadaalad badan ee ka socda Villa Somalia ay la socdaan, ayna Ra’iisul wasaaraha uga digayaa inuu iska wasaqeeyo shaarka, taasoo wax u dhimi karta sharaftiisa.
Baarlamaanka Somalia ayaa waxaa yaala Mooshin laga keenay Wasiiradii Xukuumadii hore oo la sheegay in la doonayo in lagu soo daro Wasiirada cusub xukuumada C/weli Sh. Axmed, taasoo xildhibaanadu ay aad uga dhiidhiyeen.
“Wasiiradii hore waxaa lagu eryay waxqabad la’aan, iyaga ayaana ka mid ahaa kuwii dalbaday in loo ololeeyo in xukuumada ay ka tirsan yihiin laga tuuro xilka, marka maanta ma dhici karto in wasiiradii sidaas sameeyay ay dib ugu soo laabtaan xukuumada” ayuu yiri Xil. Nuux.
Mudanahan oo ku hadlayay afka Tobaneeyo Xildhibaan oo go’aan qaba ayaa sheegay in Baarlamaanku uu go’aan ka qaadan doono mooshinka hadda la keenay Baarlamaanka, hadii la diidana aysan ka hari doonin inay Mooshin kale ka keenaan.
Xildhibaanad Sareedo oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka DF ayaa iyadu shalay ka sheegtay golaha baarlamaanka in xildhibaanada inay ka dalbadeen wasiiradii ay isku haybta ahaayeen Xukuumadii Saacid inay ku gacan siiso sidii loo ridi lahaa xukuumadii ay ka tirsanaayeen hadana aysan ka yeeli doonin inay yiraahdaan nagu taageer inaan xilka kusoo laabano.
Ma jiro weli hadal kasoo baxya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Digniinta ay soo jeediyeen xildhibaanada looga jawaabayo, iyadoo la sheegayo inuu jiro muran ku saabsan soo magacaabista golaha Wasiirada.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com