|

Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Turky-ga Oo Maanta Ka Degay Garoonka Diyaaraha Ee Muqdisho

tuuuuuu19,May,2014(SDN/QJ)- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah  ee magaalada Muqdisho.

Wefdigan  Xildhibaanadda ah ayaa la sheegayaa inuu hogaaminaayay Guddoomiyaha guddiga xidhiidhka saaxiibtinimada Barlamaannada Turkiga iyo Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane Haliil Urun.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeeyey wefdigan Xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Booqashada wefdigan ayaa lagu sheegey inuu yahay in ay xoojiyaan xidhiidhka labada dal.

Dalka Turkiga ayaa mashaariic badan ka wada Muqdisho, waxaana ay dib u dhis ku sameeyeen waddooyinka magaalada, isbitaalada iyo dhismayaasha dowladda, sidoo kale dalka Turkiga ayaa $4.5 milyan oo dollar bil kasta ku kaba miisaaniyadda Dowladda Federaalka ah.

Dhicana kalena dad qaar  ayaa sheegaya in Booqashaddan Xildhibaanadan ka socda Dalka Turky-gu laga yaabo inay Kaalin ku leedahay Mooshinka ay Xildhibaanadda Barlamaanka Somaliya ay ka keeneen Shrkadda Maamusha Garoonka Diyaaraha ee Aadan Cadde,iyaga oo wax kaga dhimay Mudadii Qandaarska hore loogu siiyay Shirkadda Favori oo laga leeyahay Dalka Turky-ka.

 

SDN/QJ-Muqisho

daacad@qurbejog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed