Xildhibaano iyo fanaaniin Somaliyed oo maantay gaaray Magaalada Baladweyn ee Gobolka Hiiraan
Baladweyn Dec 08, 2012 (SDN)—Afar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Somaliya iyo koox fanaaniin ah ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo ka degay garoonka dayuuradaha Ugaas Khaliif oo ku yaala duleedka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Xildhibaanada iyo fanaaniinta aya horey u sii raacay dayuuradii ugu horeysay rakaab ah ee sanado badan ka dib ka degtay magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan taasoo todobaadkiiba min labo jeer duulimaad ku tegi doonta magaalooyinka B/weyne, Kismaayo iyo Baydhabo.
Garoonka dayuuradaha Ugaas Khaliif ee duleedka magaalada B/weyne ayaa waxaa dhowaan dayactiray amaankiisana gacanta ku haya ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti.
Xildhibaanada iyo fanaaniinta maanta ka degay magaalada B/weyne ayaa halkaas kaga qeyb galaya xaflad loo sameynayo maalmaha soo soo socda ciidamo ka tirsan dowlada oo tababar ay u soo xirayaan ciidamada Jabuuti ee AMISOM ka socda.
SDN-Baladweyne