|

Xildhibaano ay xukuumaddu ka been-abuurtay oo taageeray kaabista xeerka Guurtida loo gudbiyay

Hargeysa. 24 December, 2022. (QJ)- Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shaaciyay in laga been abuurtay oo aanay wax diidmo ah ka qabin kaabista xeerka Guurtida loo gudbiyay ee Wakiiladu ansixiyeen todobaadkii hore.

Xildhibaanada waxa ka been abuuray xildhibaano taageersan xukuumadda oo ku darsaday liis ay u gudbiyeen Golaha Guurtida oo ay ku sheegeen in ay kaga soo hor jeedaan wax ka badalkii iyo kaabistii Golaha Wakiilada ee Xeer nm.14.

“Waa la iga been abuuray kuma jirin warqadaas xalay la soo saaray, waxa kale oo laga been abuuray Xildhibaanno kale oo uu ka mid yahay Xildhibaan Walhad, oo ka mid ahaa Xildhibaannadii u codeeyey wax ka beddelkii Xeerarka, waxa kale oo ku jira Xildhibaan Maydhane oo halkan imika taagan, Jaamac Caanaboodhe oo fasax ku maqan, saxeex malaha waxna ma qori karo, Xildhibaan Yaasiin Faratoon oo fasax dheer ku jira, Aamin Saleebaan fasax ayuu ku maqan yahay, Guuleed Warsame laba jeer ayuu ku qoran yahay, tirade lagu buuxinayaa sida ka muuqata. Sidaas darteed arrimaha been abuurka ahi waa mamnuuc, anigu dembi ayaa ku oogaa ciddii been abuurkaasi iga samaysay” Ayuu yidhi Xildhibaan Bille Cabdi Goohe oo Golaha Wakiilada warbaahinta kula hadlay isagoo xildhibaano badan weheliyaan.

Arintan ayaa caddayn u ah in aan marna xilka laga qaadi karin gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

Comments are closed