Xildhibaanka degmada Kamukunji ee Nairobi Yuusuf Xasan oo Canbaareeyay Weerarkii Isli
Nairobi 01.April 2014 (SDN)- Xildhibaanka degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi Yuusuf Xasan Cabdi ayaa cambaareeyay qaraxyadii sababay dhimashada iyo dhaawaca ee xalay ka dhacay xaafadda ay Soomalida u badan tahay ee Islii ee magaalada Nairobi.
Yuusuf Xasan ayaa sheegay in qaraxyada ay dhaceen xilli ay Soomaalida deggan xaafadda Islii ku tashadeen inay wax ka qabtaan dhibaatada nabadgelyo la’aanta ee ka jirta xaafadda.
Xildhibaanka ayaa intaaas raaciyay inuu aaminsan yahay in ay jiraan xoogag ujeeddadoodu ay tahay inay maja-xaabiyaan oo ay baabi’iyaan, isla markaana ay barakiciyaan dadka Soomaalida ee degan xaafadda.
Wuxuu sheegay in dowladda Kenya ay ka codsan doonaan inay badbaadiso nabadgelyada, nolosha iyo hantida dadka Soomaalida ah ee Islii deggan.
Lix qof oo labo ay Soomaali yihiin ayaa ku dhintay qaraxyo labo ahaa oo xalay ka dhacay xaafadda Islii, iyadoo howlgallo ay ciidamada sameeyeen lagu xiray dad ka badan 600 oo qof.
Nairobi SDN.
Qurbejoog@gmail.com