Xildhibaanadii hore oo soo dhaweeyay Waxqabadka muuqda ee Xukuumadda Ra’iisul wasaare Saacid (Warsaxaafadeed)
Muqdisho Feb 05 2013 (SDN)– Kaddib kulan ay maanta ku yeesheen in kabadan 170 kamid ah Xildhabaanadii hore ee Barlamankii KMG ahaa kuwaasi oo ku mideysan Xisbiga Cadaalada iyo Hormarka Soomaaliyeed ayaa waxa ay uga hadleen Isbadaladii ugu danbeeyay ay dalka ka dhacayay iyagoona si aad ah u soo dhaweeyay howsha fir fircoon ee ay wado Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Saacid.
Waxa ay sheegeen in dalka muddo dhibaato uu ku soo jiray laakiin hada ay dareeemayaan Neecaawda Nabadda oo ay Mas’uul ka tahay Xukuumadda Dr Cabdi Faarax Shirdoon Saaci Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Ex-Xildhibaan Xasan Keynaan oo Madasha ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadan hada Jirtay ay ugu Magacdareyn (Rajo Qaran) madaama ay aad u soo celinayso Nidaamkii dowlanimo iyo sidoo kale hormarka dalka.
Xasan Kenyaan oo ayaa ku dheeraaday Waxqabadka Xukuumadda Ra’iisul wasaare Saacid waxa uu hoosta ka xariiqay in tan iyo markii la soo dhisay ay qabtay howlo badan ay kamid tahay xaqiijinta Amaanka iyo qaadida inkabadan 60-isbaaro oo Muqdisho gudaheeda yeelay.
Waxa uu sheegay in Wax loo riyaaqo ay tahay in Xukuumadda Ra’iisul wasaare Saacid ay ku qanciso Burcad badeed Soomaali ah in ay si sharuud la’aan ah ku siidaayaan laheystayaal wadama kala duwan u dhashay iyo in tiro badan oo ka mid ah ay isaga baxaan howlahaasi taasi ay ku fashilmeyn xukuumadihii isaga ka horeeyay oo aan la heyn qorshayaal iyo hadfyo cad.
Ex-Xildhibaan Saleebaan Ibraahim ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in Xukuumadda Saacid ay Amaan iyo bogaadin mudantahay iyadoo waqtiyar jirta waxaana uu carabka ku dhuftay in waqtyada soo aadan laga filayo isbadalo kale oo dalka laga dareemo.
Guddoomiyaha Xisibiga Cadaalada iyo Hormarka Maxamuud C/laahi Weheliye Waqaa ayaa sheegay in Xukuumadda Ra’iisul wasaare Saacid ay hormar badan ka sameysay dhinaca Xiriirka caalamiga ah islamarkaana ay ka soo shaqeysay in Maraykanka iyo Midowga Yurub ee Aqoonsadaan dowladda Soomaaliya.
Amaanta iyo bogaadinta loo dirayo Xukuumadda Ra’ii wasaare Saacid ayaa waxa ay imaaneysaa xilli ay Xukuumadu isbadal weyn sameyneyso.
Ugudanbeyntii Xisbiga Cadaalada iyo Hormarka ayaa ka digay shir la sheegay in uu ka soconayo Kenya kaasi oo la doonayo in lagu Majaxaabiyo dowladda Soomaaliya islamarkaana ay abaabulayaan rag la sheegay in ay ka tirsanaayeen dowladihii KMG ahaa ee soo maray dalka.
—DHAMAAD—