|

Xildhibaanada Soomaalida eeka tirsan Baarlamaanka Kenya oo dawlada ku eedeeyay xadgudubyo ay Soomaalida u geystaan ciidamadu

Nairobi April 05,2014(SDN)-Xildhibaano ka mida baarlamaanka dalka Kenya oo ka soo jeeda degaaanka Soomaalida ee dalkaasi ayaa dawlada dalkaasi ku eedeeyay xadgudubyo lagula kaco Soomaalida.

Dawlada Kenya ayaa maalmihii u danbeeyay hawlgalo ciidan ka waday degaanada Soomaalidu ku badan tahay ee dalka Kenya.

Hawlgalada ayaa lagu soo qabqabtay tiro dad ah oo boqoqlaal ka badan oo gebigooduba Soomali yihiin oo laga soo ururiya drgaanada Soomaalida ee dalkaasi.

Bilow Keerow oo ah Xildhibaan ka tirsan aqalka Senet-ka ee dalka Kenya lagana soo doorto degmeda Mandhera ayaa sheegay in kulan ay la yeesheen dawlada Kenya xaaladan lagu soo qaaday.

“Maanta anaga oo ah xuldhibaano waxaanu dooneynaa in aanu dawlada kala hadalo eedaha argegixiso ee Soomaalida dusha loo saaro”ayuu yiri Keerow.

Waxa uu xildhibaanku ku eedeeyay dawlada Kenya in ay Soomaalida ku eedeyso weerarada argegixiso ee dalkaaas ka dhaca.

Kenya ayaa dhawaan ku amartay Soomaalida qaxootiga ku jooga dalka Kenya in ay isaga baxaan magaalooyinka kuna noqdaan xeryaha qaxootiga.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed