|

Xildhibaanada Barlamanka Soomaaliyeed oo looqeybiyay Miisaaniyada dowladda ku shaqeyn doonto

Muqdisho Dec 18 2012 (SDN)— 170-mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta soo xaadiray kulanka Baarlamaanka ayaa waxaa loo qaybiyay miisaaniyada dowlada ay ku shaqaynayso sanadka soo socda.

Wasiirka Maaliyada iyo Qorshaynta Soomaaliya Maxamuud Xasan Sulaymaan oo ka hadlay kulanka Baarlamaanka, ayaa sheegay in qorshaha miisaaniyada ee loo qaybiyay Baarlamaanka ay ka kooban tahay sadax qaybood oo kala ah.

-Qorshaha Siyaasada Maaliyada ee Miisaaniyada2013.

-Faah-Faahinta Miisaaniyada 2013.

-Sharciga Qoondada Maaliyada 2013.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in xukuumada Soomaaliya ay rajaynayo inay meel mariyaan Baarlamaanka Soomaaliya Miisaaniyadaan.

Ugu danbayntii Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar oo shirgudoominayay kulanka Baarlamaanka ayaa sheegay Xildhibaanada in fursad loo siinayo in mudo sadax maalmood ah ay soo aqristaan miisaaniyada, isla markaana maalinta sabtiga ah dib leesugu soo laabto.

SDN-Muqdisho

Comments are closed