|

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo yeelanaya iloolo u gaar ah

Muqdisho May 08,2014(SDN/QJ)-Xildhibaananada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeelanaya ilaalo u gaar ah ka dib dilal isdaba jog ah oo lala beegsaday bishii ina dhaaftay.

Kooxda Al Shabaab ayaa shaacisay olole ay ku beegsanayo xildhibaanada ka tirsan baarlamaankaSoomaaliya.

Xildhibaanada ayaa maalmihii danbe ku eedeynayay madaxweynaha iyo dawladiisa in ku fashilmeen sugida amniga dalka isla markaana dalbaday in madaxweyne Xasan Sheekh uu iscasilo.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cawad ayaa saxaafada u soo bandhigay qorshahan lagu sugayo amniga xildhibaanada baarlamaanka.

Qorshahan ayaa laba askeri u saaraya xildhibaan walba oo baarlamaanka ka tirsa si uu u helo ilaalo gaar ah.

Qorshahan cusub ayaaney xukuumada Soomaaliya weli ka hadal suurtogalnimadeeda.

SDN/QJ-Muqdisho

 

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed