|

Xildhibaanada Aqalka Wakiilada Mareykanka ee xisbiga Republican-ka iyo madaxweyne Obama oo heshiis horudhaca ka gaaray khilaaf u dhexeeyay

Washington Oct 11,2013(SDN)-Kulan kooban oo Aqalka Cad ku dhexmaray madaxweyne Barack Obama iyo qaar ka mida xildhibaanada xisbiga mucaaridka ee Republican-ka ayaan wax guul oo balaarani ka soo bixin.

Balse Xildhibaanada Republican-ka ayaa aqbalay in ay soo bandhigaan ayna ansixiyaan qorshe u saamaxaya dawlada Mareykanka in ay ku biiriso lacagaha amaahda ah ee dawladu qaadato si adeegyada dawladeed loo hirgeliyo.

Bishan aynu ku jirno 17keeda ayaa ah xiliga ay ku egtahay miisaaniyada sanadkan ee dawlada Mareykanka.

Hadii aan mudad intaa ka horeysa la kordhin lacagaha dawladu amaahan kareyso waxa gebi ahaanba miisaaniyad la’aani soo wejeheysaa dawlada Mareykanka.

Mana awoodi doonto in ay bixiso kharaashaadkii ay hore u gashay si ay u soo bandhigto adeegyada dawladeed.

Hogaamiyeyaasha xildhibaanada aqalka Wakiilada ee xisbiga Republicanka ayaa sheegay in ay hayaan qorshe dawlada u saamaxaya in mudada iyo amaahaha lacagaha dawlada la kordhiyo mudo lix todobaad ah.

Dawlada Mareykanka ayaa khilaaf u dhexeeya dawlada iyo xildhibaanada Wakiilada awgeed waxa aan mudo haatan shaqo tegin ka dib kolkii dawladu ay u weyday miisaniyad ay ku bixiso mushaharooyinkooda.

Si kastaba ha ahaatee isbedelkan iyo debecsanaantan Wakiilada ayaa imanaysa ka dib kolkii la shaaciyay Tirakoob muujineysa carada shicibka Mareykanku ka qaadeen habdhaqanka Xildhibaanada Repuplican-ka.

SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed