|

Xildhibaan Waabeeye “Xisbiyada Mucaaradka ahi ma waxay doonayaan inay Hindi iyo Yemeni-yiini u Codeeyaan…?” DAAWO

Hargaysa 14.Sep 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Muxaafidka ah KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, ayaa ka hadlay maanta go’aanka ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI sida wada-jirka ah Khamiistii inna dhaaftay ugu qaaddeceen diiwaangelinta Madaniga ah oo y ku tilmaameen Shir-qool iyo Khiyaamo Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo waddo oo aanay aqbali karin.

Waxa uu Xildhibaan Waabeeye oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doorto gobolka Togdheer kana soo baxay Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo uu Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ka yahay, sheegay inay tahay wax lala yaabo qaaddacaadda Xisbiyada WADDANI iyo UCID ku dhawaaqeen Khamiistii inay ku diideen diiwaangelinta Madaniga ah.

Halkan hoose ka dhegayso oo ka Daawo Codka iyo Muuqaalka Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo Warbaahinta kula hadlay maanta magaalada Hargeysa.

Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com

Comments are closed