Xildhibaan Waabeeye oo Hadhimo Sharafeed u Sameeyay Xulka Daad Madheedh,Lacag & Diraysna Gudoonsiiyay
Hargaysa 05.June (SDN) Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye ayaa maanta qado sharafeed u sameeyay Xulka Gobolka Daad Madheedh u Matalaya Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland.
Kulankaas waxaa Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Daad Madheedh Jamaal Xuseen Hure,Xildhibaano,Ganacsato iyo Qurbejoog.
Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo hadal kooban ka jeediyay Hadhiimo Sharafeedkaas ayaa ku Hambalyeeyay Xulka Gobolka Daad Madheedh Guushii hor dhaca ahayd ee ay Ka soo Hooyeen Ciyaartii ay Shalay Wada Yeesheen Xulka Gobolka Saaxil,Waxaanu ku baraarujiyay inay dadaalkooda sii Libin laaban Isagoo Cadeeyay inuu Taageero dhinac Walba ah la garab joogo Xulka Gobolka Daad Madheedh.
Gudoomiyaha Gobolka Daad Madheedh Jamaal Xuseen Hure ayaa ka dalbaday Xulka uu Gadh wadeenka ka yahay inay Xooga saaraan Sidii Gobolka Daad Madheedh uu Guul taariikhi ah uga soo hoyn lahaa Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland.
Waxaa Sidoo kale Madashii Kulankaasi ka hadlay Xubno isugu jiray Ganacsato,iyo Qurbejoog dhamaantoodba cadeeyay inay ku faraxsan yihiin in Gobolka Daad Madheedh uu door Muuqda ka Galo Tartanka Ciyaaraha
Waxaa kale oo Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye uu kulankaasi ku gudoonsiiyay Xulka Gobolka Gobolka Daad Madheedh Deeq lacageed oo dhan Shan Boqol oo dollar iyo Laba Dirays oo ay Ciyaaryahanadu ku Ciyaari doonaan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com