Xildhibaan Shir-guddoonka Wakiilada Ku eedeeyay inay Golihii ka dhigeen mid Xukuumadda u adeega
Hargeysa, 23, May 2012 (SDN)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ka mid ah Mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland ayaa shir-guddoonka golaha wakiilada ku eedeeyay inay golihii ka dhigeen gole xukuumadda u adeega.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in golihii wakiiladu ku mil-may xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo, taasina ay ceeb ku tahay Mudanayaasha golahaasi oo uu tilmaamay in haddii ay dib isugu noqon waayaan shacabku ku kici doono.
Xildhibaan Xoog waxa uu tilmaamay in shir-guddoonku masuul ka yahay fadhiidnimada Golaha wakiilada ee wakhtigan “Waa run, taas shir-guddoonkaa ka masuul ah golihii wakiiladu wuxuu ku milmay xukuumaddii, shir-guddoonkii golaha wakiiladuna golihii wuu afduubay oo wuxuu ka dhigay meel dawladu danaheeda marsato”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Aniga oo Ingiriiska jooga ayaa golaha la horkeenay laba xeer oo kala ahaa xeerkii la dagaalanka budhcad-badeeda iyo kii kala wareejinta maxabiista, iyaddoon laga doodin ayaa 48 saacadood gudahood duuduub lagu ansixiyay, taasi waa nasiib daro”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, waxa uu tilmaamay inaan loo baahnayn in shir-guddoonku Mudanayaasha golaha wakliilada afduubo “Waxaanan leeyahay shir-guddoonku haddii uu xukuumadda ku milmay, maaha inuu shaqadii golaha afduubo, xildhibaanadana waxaan u sheegayaa in bulshadu ku kici doonto oo kacdoon shacab dhici doono, haddii sidaas wax u sii socdaan”
SDN, Hargeisa