|

Xildhibaan reer Puntland ah oo ku Taliyay in magaalada Ceeri-gaabo laga dhigo Caasimada Soomaaliya

Garoowe July 13,2013(SDN)-Xildhibaan Siciid Diiriye oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa baaq uu soo jeediyay waxa uu ku xusan in Caasimada Soomaaliya laga dhigo magaalada Ceeri-gaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Xildhibaanka oo saxaafada la hadlay ayaa soo jimihiisa waxa uu ku yiri:

ā€¯Federaal State waa mida aan isugu imaan karno. Waxaana qabaa in la hirgeliyo. Muddo badan ayaa dunida iyo madaxda Soomaalidaba kawada shaqeynayeen inay qorshahaasi ka hirgeliyaan Soomaaliya

Caasimada Soomaaliya waa in laga dhigaa mid wareegto ah, Haddana waxaan ku talinayaa in Ceerigaabo laga dhigo. Ma ahan wax la qaadan karo in Muqdisho caasimad iska ahaato tan iyo markii dowlad aanu noqonay.

Ninka dood arrintaasi ka keena oo waliba diida in Beledweyne caasimad maamulka gobollada dhexe u noqoto. sidoo kalana Ceerigaabo Caasimada Soomaaliya noqoto. Waxaan dhihi karaa waa mid aan rabin in aan dib isugu soo noqono”.ayuu xildhibaanku hadalkiisa ku soo gunaanaday.

Ma aha markii u horeysay ee la soo jeediyo in caasimada Soomaaliya Muqdisho laga wareejiyo sababo kala duwan awgood.

Waase markii u horeysay ee Ceeri-gaabo maamul aan ka talinini uu yiraahdo ha loo raro.

SDN-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed