|

Xildhibaan Rayte “Xidigta oktooberna wax aynu aqbali karno maaha waa taynu ka dagaalannay.”

Hargaysa 22.May 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan Rayte oo ka mid ah golaha wakiiladda Somaliland,ayaa si adag uga hadlay xayiraadda Wargeysyada Haatuf iyo Hubaal isla markaana xukuumadda ugu baaqay inay deg deg u sii dayso wargeysyada Haatuf iyo Hubaal isla markaana ugu baaqay Xukuumadda in la sii daayo Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifatiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige.

Waxaa kaloo uu ka hadlay Xildhibaan Rayte in dalka uu a jiro Musuq Maasuq aan yarayn isla markaana aan la qarin Karin kaasoo uu sheegay inuu waliba ka jiro dhanka Patrolka dalka,waxaanu ugu dambayn sheegay in Xukuumadda  Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay doonayso inay dalka ka dhigto kuna haysato car-juuqdheh iyo ma hadli kartid isla markaana ay doonayso inay dalka ku maamusho xidigtii Oktoober.

“Maanta waxaa xidhan Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifatirihii iyo  qof kale oo sadexaad waa HAATUF oo ah wargeys sharci ah oo dalka ka diiwaan gashan,markaa horta waxaa laba kala ah xadhiga HAATUF iyo Yuusuf Cabdi Gaboobe,markaa haddii uu Yuusuf dambi galay sharciga hala mariyo laakiin  waxay u xidhan yihiinn waa war wargeysku qoray taana waa in loo ogolaadaa in wargeysku is difaaco oo uu Maxkamadda horteeda ka dodo,laakiin waa sharci darro in wargeyska Haatuf wax lagu qoray in loo xidho Yuusuf iyo Tiafatirihiis.”

Waxaanu Xildhibaan Rayte oo hadalkiisa sii wataa.

“Waxaa maanta Haatuf,Hubaal iyo Universalba u Xidhan yihiin oo Xukuumaddu inagu waddaa waa inaynu noqono Xidigtii Oktoober oo kale laakiin yeeli mayno,xorriyadu waa ta aynu ku joogno ee aynu ku nool nahay ku dhisan nahay isla markaana ay geesiyaal badani u dhinteen markaa waan ognahay waxa dalka ka jira ee Yuusuf sheegay in ka badan oo musuf maasuq ah yaa dalka ka jira waliba dhanka Patroolka waxaa ka jira musuq maasuq aan yaran oo badan isla markaana gaadhi doona maxkamado caalami ah,Yuusufna cidbuu u xidna yahay oo innamo ayuu u xidhan yahay waxaanan leeyahay  waa in xorriyadiisii loo soo celiyaa isla markaana labada wargeysba xayiraada laga qaadaa oo loo maraa xeerka Saxaafadda haddii kale dalku ayay taasi dumin ku tahay oo uu dalka ku celiyo Xidigtii  Oktoobar,xidigta oktooberna wax aynu aqbali karno maaha waa taynu ka dagaalannay.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed