|

Xildhibaan Rayte Oo Ayaan Darro Ku Tilmaamay In Madaxweyne Siilaanyo Amar Ku Bixiyo Inuu Kaligii Hollodo Hadallada Munaasibadaha la Isku Arko

Hargeysa:2-Oct-2013(SDN)-Xildhibaan Ibraahim Cali Rayte ayaa markale ka Hadlay Lacagta Wasaaradda Madaxtooyada loo Ansixiyey oo uu hore cod ugaga soo horjeestay iyo Qaabkii Dhawaan Xukuumaddu u afduubatay Xafladdii Qalijabinta ahayd ee Jaamacadda Hargeysa.

udurmiin Xildhibaan Rayte oo Maalintii shalay u Warramayey Qaar ka mid ah warbaahinta somaliland, ayaa wax laga xishoodo ku tilmaamay in xukuumaddu ku amar ku-taaglayso qaabka looga hadlayo Qalinjabinta Jaamacadda Hargeysa, waa wax laga naxo  siddeed sanadood ayaa Axmed Siilaanyo ahaa mucaarad waligii looma diidin in fagaare noocaa ah uu ka hadlo,jaamacadda sanad walba wuu tagi jiray waana lagu sharfi jiray iyadda oo madaxwaynii markaa joogay uu joogo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

Xildhibaanka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi, “ Maanta waxa muuqanaysa marka ay xukuumaddu tidhaahdo aniga mooyee cid kale dalka ma jirto,taasi waxay dhaawacaysaa midnimaddii dalka,Dimuqraadiyaddii dalka,ku dhaqankii sharciga, milgihii iyo haybaddii dawladnimadda, waana wax runtii laga yaqyaqsoodo.”

Xildhibaan Rayte ayaa sheegay  inay Jaamacadda Hargeysa tahay Hanti ka dhaxaysa umadda reer Somaliland oo aanay ahayn wax dawladduu sheegan karto ama Awooddeeda ka muujin karto, waxana uu yidhi, “dawladdu ma leh jaamacadda,jaamacaddu waa public dad gaar  ah oo muwaadiniin ah  oo reer Somaliland ah ayaa jaamacadda aasaasay, jaamacadda iyagaa maal-galiya inta yar ee ay jaamacadda ku taageerto ma aha in ay tidhaa kaliygay igu dhagaysta,mana aha goob siyaasadeed oo laga olalaynayo.”

Sidoo kale waxa uu xildhibaan Rayte ka hadlay waddada dheer ee Ceerigaabo, taas oo uu madaxweynuhu dhawaan dhagax dhigay, waxana uu uu tilmaamay inay adagtahay in xukuumaddu waddadaas dhismaheeda kafaalo qaaddo,  annagu waxaanu diidnay shacabku waa ogyahay, waxaanu diidnay in been shacabka loo sheego,madaxwaynuhu isagaa hore uga hadlay oo ku yidhi reer Ceerigaabo been idiin sheegi mayno,ma dhisi karno waddadan.waana runtiisa,waayo waa waddo dheer qalab iyo farsamo aynaan haynin bay u baahan tahay.mucaawimo dibadeed ayaa uu madaxwaynuhu yidhi waa aynu u raadinaynaa,waxaan caawimo dibadeed ahayn oo dhisi kartaana ma jirto.” Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Rayte.

Waxa uu  carrabaabay xildhibaanku in ay kalsooni darro badan dadka gelisay lacagta waddooyinka ee  wasiirka madaxtooyada gacanta loo geliyey, waxana uu tibaaxay in Haddii la doonayo inay Lacagtu wax qabato laga hoos saaro wasiirka, waxana uu yidhi,  “ waddada haddiiba aynu lacag u helo maaha wasiirka madaxtooyada iyo hay’adda uu is hooskeenay awooddaa malaha mana dhisayaan mana dhisi karaan,waana olole, lacagta halkaa gashana anigu kuma kalsooni.haddaan lacagta la cunayn lacagtu dibadda hawsoo baxdo daah-furnaan ha noqoto gacanta wasiirka haka hoos baxdo oo hay’addi waddooyinka ee dibadda laga arkayay ee sida lacagta loo maamulayo iyo waxa lagu qabanayaba la arkayay hala sameeyo.”

Xildhibaan Rayte oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, “wax uu wasiirku kaligii  ogyahay ee u saxeexayo haddii la yidhaa waa la cunayaa xaqbaa loo leeyahay.somalidu waxay tidhaahdaa “nin gunti xumi in uu wax qarsanayaa la moodaa”.waxaanu leenahay tuhunkaasi waa jiraa waxaanad ku caddayn kartaa mudane,wasiir marka aad keento xeerkii haya’adda waddooyinka ee u dhisnaa qaabka madaxa bannaan ee Ganacsatadu ka qayb galaysay ee bulshadda caalamku ka qayb galaysay”

Sidoo kale waxa uu Xildhibaan Rayte ka hadlay sababtii keentay inuu baal uga baydho xisbiga Kulmiye oo uu ka mid  ahaan jirey, waxana uu sababta ku sheegay in laga leexday Hannaankii iyo Aragtidii Toolmoonayd ee xisbiga, kulmiye waxa uu lahaa program ama barnaamij uu ku Ololeeyey, barnaamijkaasi waxa uu ku salaysnaa mabaadii iyo aragti uu xisbigu qabay,hasayeeshee xukuumadiisu si toos ah ayay uga weecatay barnaamijkii xisbiga.waxay martay dariiq lidi ku ah dariiqii xisbiga kulmiye uu barnaamijkiisu tilmaamayay,aniguna dadka aaminsan barnaamijkaas baan ahaa mar haddii xukuuumaddii xisbigu ay lidi ku noqotay barnaamijkii xisbiga awood uma lihi in aan ku taageero wax lidi ku ah wixii aan aaminsanaa.” Ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed